Daawo: Dagaal ka dhashay cunto laga cunay maqaayad Muqdisho ku taal oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Muqdisho (Caasimada Online) – Maqaayad ku taalla magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa dagaal noociisu ku cusub yahay magaalada ku dhex-maray ciidamo kan wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa markii hore ku billowday gacan ka hadal dhexmaray shaqaalihii maqaayada iyo dhalinyaro ka casheeyay maqaayadaas oo ayagu bixin waayey lacagtii cashada.

Kadib, waxaa daqiiqado gudaheed soo gaaray maqaayad askar u wacdeen dhalinyaradaas, ayada oo meesha iska hor-imaad ku dhex-maray ciidamada amaanka oo gacan siinayay maqaayada iyo kuwa kale.

“Dad gabdho iyo wiilal iskugu jira oo toddobo qof gaaraya ayaa ka casheeyay, kadib markii ay casheeyen wey wada baxeen, yarkii shaqaalaha Kashyerka joogay ayaa ka daba tagay oo lacagtii keena yiri, feer ayey ku bilaabeen, waxay dalbadeen qori oo meeshii askar timaado oo laga kala cararo,” ayuu yiri mas’uulka maqaayada.

Illaa hadda inta la xaqiijiyey waxaa iska hor-imaadkaas dhex-maray ciidamada ka wada tirsan dowladda ku dhaawacmay saddex qof, halka ay ku dhinteen labo qof oo kale.

Ma aha markii u horeysay ee ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda uu iska hor-imaad dhexmaro, hase yeeshe waxaa la yaab ku noqotay bulshada in ciidamo isku rasaaseyan dhalinyaro bixin waayey lacagtii cashada.

Hoos ka daawo muuqaalka