Daawo: Xasan Cali Kheyre oo war kasoo saaray khilaafka R/W Rooble iyo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka mudooyinkii ugu dambeeyey u dhaxeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa dalkeena ka dhacay xaalado aan qaran ahaan noo qaadmin, bulsho ahaan noo qalmin, oo aan dhammaanteen ku qasbanahay inaan qeyb ka qaadano xal u helidooda,” ayuu yiri Kheyre.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay khilaafka u dhaxeeyo Rooble iyo Farmaajo, isagoo sheegay inuu khilaafkaan dalka u horseedi karo dib u dhac.

“Waxan aad uga xumahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira xafiisyada dalka ugu sarreeya, waxyeelo xoog leh ayey u geysteen dalka, waxaa luntay xasilloonidii dalka, waxaa dhaawac gaaray dhaqaalihii dalka, waxaa halis galay hay’adihii ammaanka, waxaa sii daciifeysa rajadii Beesha Caalamka ay ka qabtay geedi socodka dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Kheyre ayaa sheegay in khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uu saameyn xoog leh ku yeeshay doorashadii la filayey inay dalka ka dhacdo, taasina ay fursad u noqotay kooxaha argagixisada ah ee ku howlan daadinta dhiigga.

Wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loosoo afjaro khilaafka u dhaxeeyo labada mas’uul ee dalka ugu sarreeya si dalka loo badbaadiyo.

“Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loosoo afjaro khilaafka si dalka looga badbaadiyo xaaladaha qalafsan ee hadda taagan, waxaana ka digayaa in caalamka uu Soomaaliya uga quusto sidii uu uga quustay Afghanistan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Kheyre ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada inay dadajiyaan doorashada si dalka looga badbaadiyo xaaladda halista ah ee uu wajahayo.

“Xalka Soomaaliya waa hal mid oo kaliya, laba maahan, seddex maahan, xalka waa doorasho, waxaan ugu baaqayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Maamul Goboleedyada inay dadajiyaan doorashooyinka iyo in wax walba la iska dhigo oo muhiimada la saaro doorashada, si dalka looga saaro xaaladda cakiran, waxaan sidoo kale guddiyada doorashada ugu baaqayaa inay shaqadooda u gutaan si hufan,” ayuu yiri Kheyre.

Ugu dambeyntii Kheyre ayaa xubnaha beesha caalamka ugu baaqay inay Ra’iisul Wasaaraha iyo guddiyada doorashada kala qeyb qaataan fududeynta doorashada iyo bixinta dhaqaalaha ku baxayo doorashada.