Xog: SHARIIF oo dalbaday in laga wareejiyo hoggaanka Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xubnaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka ka dalbaday inay doortaan hoggaan cusub, isagana uusan intaan ka badan sii hoggaamin karin golaha.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, kulan seddex cisho kahor ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu Sheekh Shariif ku wargeliyey xubnaha golaha inuu ahaan doono xubin caadi ah oo golaha ka tirsan, islamarkaana uu kasoo qeyb geli doono kulamada.

Sida ay illo wareedyo ka tirsan golaha Midowga Musharaxiinta u xaqiijiyeen Caasimadda Online, dood adag ayaa ka dhalatay codsiga uu soo gudbiyey Sheekh Shariif ee ah in laga wareejiyo hoggaanka Golaha.

Inta badan xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa diiday inay aqbalaan codsiga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, taasoo ay ku tilmaameyn inay sababi karto burbur ku yimaado Golaha Midowga Musharaxiinta.

Xubnaha golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Sheekh Shariif ka codsaday inuu dib u dhigo iscasilaadiisa, islamarkaana golaha uu isugu yimaado kulan kale oo looga xaajoonayo arrintaan soo korortay.

Sida ay Caasimadda Online ogaatay, Sheekh Shariif ayaa waxaa ka go’an inuusan sii hoggaamin golaha, waxaana fasiraado kala duwan laga bixiyey sababta keentay go’aankiisa.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa aad u xoogeystay tuhunada ku saabsan in Shariif Sheekh Axmed uu ku milmay kooxda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasoo dhaawaceyo mabaadii’da loo sameeyey Golaha Midowga Musharaxiinta.

Dadka xogtan badankeed faafiyey ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Golaha Midowga Musharaxiinta iyo dad kale oo aad ugu dhow, waxaana la sheegay in Sheekh Shariif uu dhibsaday tuhunkaas iyo fariimaha laga faafinayo taasoo keentay inuu go’aankaan qaato.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa hadda qorsheenayo inuu si gooni u baxo oo uu toos u billaabo ololihiisa doorashada oo uusan waqti badan isaga lumin mucaaradnimada Farmaajo.