Maxaa kasoo baxay kulanii ra’iisul wasaare Rooble iyo amiirka Qatar? + Sawirro

Doha (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta magaalada Doha kulan la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiir Tamiim ayaa iska wareystay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo sidii ay Soomaaliya uga sii taageeri lahaayeen dib u dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Amiirka ku ammaanay taageeradooda dhinacyada horumarinta kaabayaasha dalka, maadaama ay Soomaaliya ka taageeraan dhinacyadaas.

Eng. Rooble ayaa xusay in Qatar ay tahay saaxiib muhiim ah oo leedahay Soomaaliya, kuna garab siinaya sidii dalku dib uga kaban lahaa dhibaatooyinkii ka dhashay burburka. Isagoo ka codsaday in ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan horumarinta kaabayaasha dalka.

Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyey dadaalkiisa ku aadan qabsoomidda doorashada, waxuna balan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Magaalada Doha ee dalka Qatar kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Khaalid Bin Khaliifa Al-Thani, kaa soo looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee dalkaas uu ka fuliyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa bogaadiyay dadaallada Xukuumadda ee ku aadan qabsoomidda doorashooyinka, isagoo sheegay in dowladda Qatar ay ka go’an tahay adkayna xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood.