Daawo: Odowaa oo sheegay arrin cabsi leh oo kusoo socota maamulka Qoor Qoor

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, haatana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa sheegay in maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Qoor Qoor uu halis ugu jiro inuu burburo, taasi oo uu sheegay inay tahay arrin marnaba la aqbali karin.

Odowaa oo hadal ka jeedinayay xaflad lagu taageerayay in la wada ilaashado maamulka Galmudug, ayaa carabka ku adkeeyay in dagaalka Ahlu-Sunna ay ku qabsaneyso deegaano ka tirsan maamulka uu wiiqayo jiritaanka maamulka, islamarkaana loo baahan yahay in miiska wada-hadalka wax lagu xaliyo.

“Haddii la yiraahdo hadda Guriceel baa la qabtay berritana la qabsado Dhuusamareeb inaga ma jiri doono, Jidkaan jid aan ahayn hala yimaadan kuwa culimada sheganayo haddi ay tabasho qabana waan la qancinaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Odowaa.

“Sidaan mushkilada iskaga xalin laheyn aan ka fikirno, ceeb ayey nagu tahay in hooyo, walaasha qaxdo oo gabdho umulayaa ay ku umulaan quraca hoostiisa, dhamaanteen ceeb ayey nagu tahay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in marnaba gorgortan lagu geli karin in magaalooyin la qabsado, ayna tahay in la dhowro shuruucda siyaasadda, sida uu sheegay.

“Ahlu-Sunna Waljamaaca jidkan jid aan aheyn ha la yimaadan, haddey tabasho qabaan waa la qaadaneyna oo waa la geynaynaa maamulka, laakiin magaalo ayaa qabsanay magaalo kale ayaa ku soconaa war la yeeli karo maaha.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in la damiyo colaada, islamarkaana la iskugu yimaado miiska wada-hadalka, si is-faham looga gaaro tabashada ay qabaan hogaanka Ahlu-Sunna oo ayagu sheegay inay qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Hoos ka daawo muuqaalka