Daawo: Ugaaska Cayr oo si lala yaabay uga noqday baaqiisii nabadda ee xiisada Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ugaaska beesha Cayr, Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur oo mar kale ka hadlay xiisadda ka soo cusboonaatay gobollada dhexe ee u dhaxeysa Galmudug iyo ururka Ahlu-Sunna ayaa sheegay in maamulka Axmed Qoor Qoor uu wax kasta uga dambeeyn doono, isagoo raali gelin ka bixiyey baaqiisii wadahadalka.

“Dowlad ayaa jirta reer Galmudug ay dhisteen, madaxweyne ayey leedahay, waxaana cadeynayaa in dowladda ay dhisteen reer Galmudug ay amniga iyo waxqabadka deegaanka masuul ka tahay, waxaan go’aansaday inaan dowladda Galmudug la shaqeeyo oo aana ka harin, maadaama aan Ugaaskii beesha caasimadda degta aan ahay, wixii dhib wada oo u jeed kale lehna, waa la arki doonaa,” ayuu yiri Ugaaska beesha Cayr.

Ugaaska oo maalin ka hor soo jeediyey in xiisadaan wadahadal lagu dhameeyo oo la joojiyo gulufka colaadeed iyo hub isku uruursiga deeegaanka ka socda, ayaa hadda sheegay in hadalkaas uu raali gelin ka bixinayo, taas oo dad badan ka yaabisay.

“Maadaama aan arkay saan-saan colaadeed, dad qaxaaya iyo dhibaato muuqata, waxaan go’aansaday inaan arrintaan ka hadlo, beesha aan ka dhashay iyo cidii kale ee dhib u qaadatay hadalkeygii hore waxaan rabaa inay ka daawoobaan oo raali ka noqdaan,” ayuu yiri Ugaas Xasan.

Inta badan dadka ka fal-celiyey hadalkaan dambe ee Ugaaska waxay la yaab ku tilmaameen sababta ku kaliftay in Ugaas Xasan uu raali gelin ka bixiyo baaqiisii wadahadalka oo u muuqday dariiqa kaliya ee u furaa, maadaama hadii la dagaalamo dhibka ugu badan uu soo gaaro beeshiisa Cayr, markii loo eego reer Galmudugta kale.

Dad badan oo doonayey ama jeclaa inaan lagu dagaalamin magaalooyin ay ugu horeyso Gurceel oo Ahlu-Sunna ay dib u qabsaday ayaa la fajacay hadalka Ugaaska oo ka laabtay baaqiisii waan-waanta.

Ciidankii ugu badnaa ayaa Muqdisho laga soo daabulay, kuwaas oo la isugu geeyey Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in Qoor Qoor uu qorsheynayo in Ahlu-Sunna lagu weeraro Gurceel.

Dadkii deganaa ee shacabka ahaa ayaa saacadihii u dambeeyey isaga cararay magaalada Gurceel, kuwaas oo deegaameystay dhulka fog ee miyiga ah, si aan loogu dul dagaalamin.

Hoos ka daawo hadalka Ugaaska Cayr

https://youtu.be/YF5ZKAlMOBo?t=3