Xog: Qoor Qoor oo go’aan culus ka qaatay xaaladda Guriceel

Gurceel (Caasimada Online) – Madaweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa go’aamiyey in dagaal lagu qaado magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo dhawaan gashay gacanta xoogagga Ahlu-Suna, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa qaatay go’aankaan kadib kulamo uu la qaatay Xildhibaanada maamulka Galmudug iyo Ugaaska Beesha Cayr, waxaana ugu dambeyntii lagu heshiiyey in Ahlu-Sunna dagaal looga saaro magaalada Gurceel.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda dhaqaaqaan dhinaca magaalada Guriceel, waxaana boqolaal ka tirsan ciidamadaas kulan dardaaran ah la qaatay madaxweyne Qoor Qoor.

Ciidamada Galmudug ee qorsheenaya in lagu weeraro magaalada Guriceel ayaa waxaa laga reebay ciidamadii ka tirsanaa Ahlu-Sunna ee horay loo qarameeyey, iyadoo laga cabsi qabo inay dhabar jabin ku sameeyaan ciidamada dowladda, sidii dhacday markii la weeraray Bohol.

Madaxda Ahlu-Sunna ayaa magaalada Guriceel ku diyaarisaday ciidamo u dhaxeeyo 300 illaa 400 oo askari oo u badan wadaado daacad u ah Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud, waxaana laga cabsi qabaa inuu magaalada ka dhaco dagaal khasaaro xoog leh geysta.

Magaalada Guriceel ayaa waxaa ka bilowday barakac xooggan, waxaana magaalada ku haray xoogga Ahlu Sunna oo aad u hubeysan iyo dad shacab ah oo daacad u ah madaxda Ahlu-Sunna.

Qoor Qoor ayaa ka war haynta maamulka Galmudug ugu dambeysay markii la doortay, waxaana mudadii uu xilka hayey xarun u aheyd magaalada Muqdisho, isaga oo ka shaqeynaya danaha Farmaajo, taasi oo sahashay in Al-Shabaab iyo Ahlu-Sunna ay deegaano badan ka qabsadaan maamulkiisa.