Cabdikariin Guuleed oo soo jeediyey afar tallaabo oo xal u ah xiisadda GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo war-saxaafadeed ka soo saaray xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanada Galmudug ayaa soo saaray baaq ka kooban afar qodob, oo talo soo jeedin u badan.

Cabdikariin Guuleed oo horay u soo hoggaamiyey maamulkaas ayaa qoraalkiisa ku sheegay in isagoo kaashanaya xog-ogaalnimada iyo waaya aragimada uu u leeyahay maamulkaas, isla markaana xeerinaya xaaladan kala guurka ah ee dalku ku jiro, uu ku baaqayo afartaan qodob:

1 – Galmudug waxay leedahay hey’ado dowladeed oo dastuuri ah oo dhammaan dadka reer Galmudug ay wada dhisteen, haddaba waxaan soo jeedinaynaa oo aan adkeynayaa in la dhowro jiritaanka hay’adahaas iyo midnimada Galmudug.

2 – Si he’adaha curdunka ah ee dowlad goboleedkaas aan u ilaashano, loogana fogaado daadinta dhiiga shacabkeena, waa in dagaalka iyo gacan ka hadalka is deg deg ah loo joojiyaa, waxii khilaaf iyo tabasho ahna lagu xaliyo wadahadal iyo wada xaajood.

3 – Galmudug waxay leedahay hal cadow oo ah cadowga Al-Shabaab, waxaana lagama maarmaan ah in xoogga iyo awoodda loo mideeyo sidii looga wada hortegi lahaa, si looga sifeeyo dhammaan deegaanada ay gacanta ku hayaan.

4 – Waa in la dadajiyaa doorashooyinka, lagana fogaado wax kasta oo carqaladeyn kara habsami u socodka doorashooyinka Galmudug iyo deegaanada kale ee Soomaaliyeed-ba, si dalku uga baxo firaaqa dastuuriga iyo xiliga kala guurka ah.

Afartaas qodob ayuu baaqiida ku aadan xalka xiisada Galmudug ku soo koobay madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug oo hadda ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.