Daawo: Xasan Cali Kheyre oo war ka soo saaray xiisadda Galmudug iyo Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanada Galmudug ee u dhaxeysa maamulka iyo ururka dib isku soo abaabulay ee Ahlu-Sunna ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in kooxo hubeysan ay dib uga curtaan deegaanka.

Kheyre waxa uu sheegay in si buuxda oo aan leex-leexad la heyn uu u taageerayo maamulka Galmudug ee Axmed Qoor Qoor uu hoggaamiyo, kaas oo la dhisay xilligii uu Ra’iisul wasaaraha ka ahaa dalka.

“Arimaha ka soo cudboonaaday Galmudug ma ahan kuwo la aqbali karo, mana ahan kuwo la filaayey oo u daneynaya Galmudugta waqtiga iyo tacabka badan lagu bixiyey,” ayuu yiri Kheyre.

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in dadka reer Galmudug oo hadda dareemay nabad iyo dowladnimo ay kooxo hubeysan dib u qabsadeen deegaano nabad ahaa, kuwaas oo haatan wajahaya colaad iyo barakac.

“Si aan leex leexad laheyn ayaan u barbar taaganahay nidaamka dowliga ah ee maamul goboleedka Galmudug, cid kasta oo ka hor timaada dowladnimada meel ha looga soo wada jeesto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Cali Kheyre.

Dhanka kale tallaabadii dadka shacabka ah looga soo tarxiilay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayuu ku tilmaamay Kheyre mid ka fog Soomaalinimada, walaalnimada iyo bini’aadanimada, isagoo dadka reer Laascaanood ka dalbaday inay dib u saxaan wixii ka qaldamay.

Hoos ka daawo