Muxuu ku liitaa maamulka HirShabelle shan sano kadib?

Jowhar (Caasimada Online) – HirShabelle ayaa xalay u dabaal-degtay aas-aaska sanad guuradeeda shanaad ee kasoo wareegtay markii la yagleelay maamulkaas oo ah kan ugu yar marka la eego dowlad goboleedyada sanadihii u dambeeyey ka dhismay gudaha dalka.

Haddaba maxay ku liidataa shan sano, kadib HirShabelle?

Madaxweynihii hore ee Cali Cabdullahi Cosoble oo ka qeyb-galayey munaasabad lagu xusayey aas-aaska HirShabelle oo xalay lagu qabtay Jowhar ayaa sheegay in weli uu gaabis ka jiro horumarka maamulkaasi oo ka taliyo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Cosoble ayaa ku dhaliilay hoggaanka sare ee maamulkaasi inay ka gaabiyeen dhinacyada amniga iyo dib u heshiisiinta, wuxuunta tilmaamay inuu hoos u socdo maamulkaasi.

Ammaanka waxa uu tilmaamay inuu yahay mid aad u liita, isaga oo hoosta ka xariiqay in xilligan aan lagu safri karin waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

“HirShabelle hoos ayay u sii socotaa, balse kor uma socoto, Aniga, Xildhibaanno, Wasiiro & Madaxweynaha haatan oo ku xigeen ii ahaa ayaa kusoo safarnay Jowhar iyo Muqdisho balse haatan malagu safri karaa, Hir-Shabeelle oo jiiseysa ayaan dhex fadhinaa, marka aan sidaas leeyahay deyro ma aha laakiin wax waa laga qaban karaa waa haddii loosoo jeesto” ayuu yiri Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo ah Madaxweynihii hore ee HirShabelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weli uu qalad ka jiro dhimaha HirShabelle, isla-markaana laga gaabiyey dhanka dib u heshiisiinta, si la’isugu dhoweeyey dadka.

“HirShabelladii aan soo dhisnay iyo midda aan joogo waa labo kala duwan, qaladaad badan oo ugu horreyn dhacay dhismaheeda ayaa jira, Dadku waxaa lagu dhisaa (Xaq & Xal), Hir-Shabeelle qoorta ayay isla gashay oo la isma weydiin 5-sanno kaddib maxaa xal ah, Diidmada Dadka Hiiraan ma aha naceybka Madaxweynaha balse waxa ay rabaan isla xisaabtan dhab ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyey siyaasiga Cali Cabdullaau Cosoble.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo weli is qab-qabsi uu ka jiro HirShabelle, kaas oo ka dhashay doorashadii Guudlaawe ee ka dhacday magaalada Jowhar ee maamulkaasi.