27.2 C
Mogadishu
Saturday, May 16, 2026

Daawo Shariif: “Xasan Sheekh wuxuu taagan yahay meeshii uu ku dhiman lahaa”

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa hanjabaad dhimasho u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu sii xoogeysanayo muranka ka dhashay muddo xileedka madaxweynaha iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Sheekh Shariif oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sheegay in tallaabooyinka Madaxweyne Xasan Sheekh ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, wuxuuna ku adkeystay in mucaaradku aysan cabsi ka qabin awoodda ciidan iyo tan hub ee dowladda.

“Dabaabaad haddaad haysato nama cabsi gelinayaan. Wiilal badan oo qoryo haysta iyo hub badan haddaad haysato nama cabsi gelinayaan. Annagu waxaan nahay dad Ilaahay ku kalsoon, waxa ay ka shaqeynayaanna yaqaanna,” ayuu si kulul u yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ay hore uga walaacsanaayeen in haddii bilo lagu daro muddo xileedka dowladda ay shacabka iyo siyaasiyiintu diidi karaan, balse uu hadda Xasan Sheekh si cad u muujiyay inuu doonayo muddo hal sano oo dheeraad ah.

“Aniga iyo Madaxweyne Saciid Deni waxaan ka welweleynay, war heedhe haddii bilo lagu daro dadku amey idinku diidaan. Waa run. Alxamdulillaah, hadda inuu soo istaago oo yiraahdo anaa sanad ku darsaday, oo afkiisa ka sheegto, waxaan is leeyahay waa meeshii uu ku dhiman lahaa ayuu taagan yahay,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hanjabaadda Shariif ayaa waxaa durba ka dhashay caro iyo fal-celin xooggan, ayada oo dadka qaar ay baraha bulshada ka sheegeen in ay tahay hanjabaad dagaal iyo dil loo dirayo madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ka muujiyeen cambaareyn xoggan.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa yimid xilli ay fashilmeen dadaallo lagu doonayay in xal siyaasadeed looga gaaro khilaafka ka taagan doorashooyinka, muddo xileedka hay’adaha dowladda iyo qorshaha dowladda federaalka ee doorasho qof iyo cod ah.

Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku egyahay 15-ka May 2026, isla markaana aan la aqbali karin in muddo kororsi lagu saleeyo isbeddello dastuuri ah oo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin. Dowladda federaalka, dhankeeda, waxay ku adkeysaneysaa in dalka loo jiheeyo doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah.

Dhinaca kale, Sheekh Shariif ayaa ka hadlay xarigga iyo caburinta uu sheegay in lagu hayo dhallinyarada ka soo horjeeda siyaasadda dowladda. Wuxuu tusaale u soo qaatay dhallinyaro hoygiisa ugu timid, kuwaas oo uu sheegay inay ka cabanayeen tallaabada dowladda ku xirtay waddooyinka qaar ee Muqdisho.

Hadalka madaxweynihii hore ayaa ku soo aadaya waqti ay Soomaaliya gashay xaalad siyaasadeed oo aad u xasaasi ah, iyadoo dowladda federaalka ay ku adkeysaneyso hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ku doodayo in doorasho kasta oo aan heshiis siyaasadeed lagu gaarin ay dalka gelin karto khilaaf cusub iyo hubanti la’aan dastuuri ah.

 

- Advertisement -

Read more

Local News