Muqdisho (Caasimada Online) – Bilihii u dambeeyay waxaa soo xoogeysanayay eedeymo ku saabsan musuq baahsan oo ka dhex jira Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo ah albaabka ugu weyn ee dalka laga galo, lagana dhoofo.
Sida ay sheegeen dad kala duwan oo u dhoofayay dalka Masar, waxaa lacago sharci-darro ah looga qaatay gudaha garoonka, inkastoo aysan wax dhibaato ah ka jirin dokumentiyadooda safarka. Qaar ka mid ah dadkaas ayaa sheegay inay diideen bixinta lacagaha ay ku tilmaameen laaluush.
Dadka sida gaarka ah loo beegsado ayaa lagu sheegay dhalinyarada u safraysa Masar, gaar ahaan kuwa lagu tuhmo inay halkaas uga sii gudbayaan waddada tahriibka ee loo maro Liibiya iyo badda Mediterranean-ka. Lacagaha laga qaado dadkaas ayaa la sheegay inay u dhexeeyaan 150 ilaa 200 oo dollar.
Dhalinyarada u dhoofaysa Masar ayaa, sida ay dadka safarka ah sheegeen, mararka qaar la weydiiyaa sababta safarkooda iyo qof damiin ka ah. Hase yeeshee, dadka lagu tuhmo tahriibka ayaa inta badan ku adkaata inay helaan qof damiinan kara, taas beddelkeedana waxaa lagu cadaadiyaa inay bixiyaan lacag laaluush ah si loogu fududeeyo safarkooda.
Lacagaha laga qaado dadkaas, oo u badan dhalinyaro, ayaa la sheegay in lagu shubo taleefanka qofka maalintaas ka shaqeynaya qeybaha baarista ama socdaalka ee garoonka.
Dhacdooyinkan ayaa soo bilowday kadib markii ay furantay waddada tahriibka ee dhalinyarada Soomaaliyeed uga sii gudbaan Masar, halkaas oo ay uga sii tallaabaan Liibiya, kahor inta aysan isku dayin inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka, oo sababtay dhimashada kumannaan muhaajiriin ah sanadihii la soo dhaafay.
Magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale lagu sheegay inay ka howlgalaan kooxo isku xiran oo dhalinyarada ku dhiirrigeliya tahriibka. Kooxahan ayaa dhalinyarada u ballanqaada inay daboolayaan qarashaadka safarka laga bilaabo Muqdisho ilaa Liibiya, balse lacagtaas ayaa dib looga qaadaa marka qofka la geeyo Liibiya.
Haddii qofka tahriibka ah uusan awoodin inuu bixiyo lacagtaas, waxaa la sheegay in muuqaal laga duubo isagoo la jirdilayo ama xaalad adag ku jira, kadibna loo diro qoyskiisa. Arrintaas ayaa qoysaska ku qasabta inay si degdeg ah u bixiyaan lacagaha laga dalbado, si ay u badbaadiyaan wiilkooda ama gabadhooda.

