Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubax xusuuseed dhigay taallada dhallinyaradii halgamayaasha ahaa ee SYL, munaasabadda lagu maamuusayay 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii ururkaas taariikhiga ah ee horseedka u ahaa halgankii gobannimo-doonka dalka.
Munaasabadda oo ka dhacday fagaaraha taallada SYL ee ku taalla agagaarka Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir, xubno ka socday ururrada dhallinyarada iyo bulshada rayidka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomay ubaxa xusuusta ah ayaa si rasmi ah u dhigay taallada, iyadoo la filayo inuu khudbad ka jeediyo munaasabadda, taas oo uu diiradda ku saari doono doorkii ay dhallinyaradii SYL ku lahaayeen xorriyaddii dalka iyo muhiimadda ay leedahay in jiilka maanta uu ka dhaxlo waddaniyaddii iyo midnimadii ay ku caanbaxeen halgamayaashaas.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in sidoo kale ka hadlo xaaladda ay maanta ku sugan yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kaalinta looga baahan yahay inay ka qaataan dib u dhiska dalka, ilaalinta dowladnimada iyo horumarinta nabadda iyo wadajirka bulshada.
Wasiir ku-xigeenka dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Dahabo Suusow oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, ay si weyn u xusuustaan geesiyadii SYL ee u istaagay xorriyadda iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.
Waxay tilmaantay in jiilka cusub looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan ilaalinta midnimada iyo qaranimada dalka, isla markaana ay ku daydaan halgankii iyo himiladii ay lahaayeen aas-aasayaashii SYL, kuwaas oo ay sheegtay inay naftooda u hureen sidii Soomaaliya u noqon lahayd dal xor ah.
Dhankiisa, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa munaasabadda ku tilmaamay mid qaran oo lagu xusayo halgamayaal taariikh weyn ku leh Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhallinyaradii SYL ay si fog u fakareen, una mideysnaayeen badbaadinta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Muungaab ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada inay ilaashadaan mirihii ka dhashay halgankii SYL iyo xorriyadda maanta jirta.
15-ka May sanadkii 1943-dii ayay ahayd markii la aas-aasay Ururka SYL, oo ay dhiseen dhallinyaro Soomaaliyeed oo u istaagay sidii looga xoroobi lahaa gumaystayaashii kala qaybiyay dalka, iyadoo ugu dambeyn Soomaaliya ay 17 sano kadib heshay madax-bannaanideeda.

