30.9 C
Mogadishu
Friday, May 15, 2026

Diyaarad Ruushku leeyahay oo maanta kasoo degtay Muqdisho, DF-na ku wareejisay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Ruushka ayaa maanta Soomaaliya ku wareejisay deeq gargaar ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen xaaladaha adag ee bani’aadannimo, gaar ahaan abaaraha iyo duruufaha nololeed ee ka jira qaybo kamid ah dalka.

Deeqdan ayaa lagu wareejiyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kasoo degtay diyaaraddii sidday gargaarka bani’aadannimo.

Safiirka Ruushka ee Soomaaliya, Mikhail Golovanov ayaa dowladda Soomaaliya si rasmi ah ugu wareejiyay shixnadan gargaar oo gaareysa 25-tan oo raashin ah, isaga oo ay dhinac taagnaayeen qunsulka Ruushka iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay dowladda Moscow.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee goobta ku sugnaa waxaa kamid ahaa wasiirka warfaafinta, guddoomiyaha hay’adda SODMA iyo xubno kale oo ka socday hay’adaha dowladda ee qaabilsan arrimaha gargaarka iyo gurmadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in deeqdan ay qeyb ka tahay taageerada caalamiga ah ee lagu garab istaagayo shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya xaaladaha bani’aadannimo, xilli qaybo badan oo dalka kamid ah ay weli ka jiraan saameynta abaarta iyo barakaca.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa hore dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya ugu baaqday inay kordhiyaan taageerada bani’aadannimo si wax looga qabto baahiyaha sii kordhaya ee shacabka nugul, gaar ahaan dadka ku nool deegaanada ay abaaruhu saameeyeen.

Ruushka ayaa noqday mid kamid ah dalalka kasoo jawaabay codsigaas, iyadoo dowladda Soomaaliya ay soo dhaweysay taageerada ay ka heshay Moscow, isla markaana uga mahadcelisay kaalinta ay ka qaadaneyso gurmadka bani’aadannimo ee dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

- Advertisement -

Read more

Local News