28.9 C
Mogadishu
Friday, May 15, 2026

Wada-hadalladii Xalane oo fashilmay iyo DF oo ku dhawaaqday in dalku galay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wada-hadalladii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa kusoobdhamaaday natiijo la’aan, xilli ay beesha caalamka dadaal badan gelisay sidii loo gaari lahaa xal wadar-ogol av oo looga gudbo xiisadda taagan.

Wada-hadalladan ayaa saddex maalmood oo xiriir ah ka socday gudaha xerada Xalane, iyadoo kulankii u dambeeyay ee galabta lagu kala kacay. Sida ay ogaatay Caasimada Online markale dhinacyadu uma ballamin kulan kale, taas oo wada-hadalladdii socday ka dhigaysa mid guul-dareystay.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed oo Golaha Mustaqbalka ku metalayay wada-hadallada ayaa miiska soo saaray in xukuumadda muddo xileedkeedu dhammaaday, isla markaana la galo marxalad kala-guur ah.

Mucaaradka oo iyagu maanta dib u dhigay dibad-baxyadoodii ayaa haatan galay shirar degdeg ah, iyagoo abaabulaya kacdoonno ka dhan ah Villa Somalia.

Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii lagu kala kacay shirka ku dhawaaqday in dalka uu galay xilligii loo guuri lahaa nidaam dimuquraaddi ah oo ka hana qaada dalka kuna dhisan mabda’a qof iyo cod.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka keeneen aragti ka duwan doorasho dadweyne, taas oo ay sheegtay inay ka hor imanayso xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadinka uu u leeyahay in uu wax doorto lana doorto.

“Dowladda waxay la wadaagaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, xor iyo xalaal ah, hufan, isla markaana waafaqsan dastuurka, shuruucda dalka iyo barnaamijka siyaasadeed ee dowladdu ballanqaaday,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in albaabka wada-xaajoodka iyo wadatashigu uu weli furan yahay, iyadoo si cad u sheegtay in aan marnaba laga gorgortami doonin in doorashada lagu celiyo dadweynaha.

“Dowladda Federaalka iyada oo fulinaysa waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran dhaqan-galinta doorasho qof iyo cod ah oo muwaadiniinta fursad u siineysa in ay helaan xaqooda dastuuriga ah, waxay dowladdu cadaynaysaa in dalku uu galay xilligii loo guuri lahaa nidaam dimuquraaddi ah oo ka hana qaada dalka kuna dhisan mabda’a qof iyo cod,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

- Advertisement -

Read more

Local News