Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo war kasoo saaray fashilka wada-hadalladii saddexdii maalmood ee u dambeeyay ka qabsoomay gudaha xerada Xalane ayaa Madaxweynaha tallada haya, Xasan Sheekh u aqoonsaday “madaxweyne hore”.
Golaha ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu diiday heshiis siyaasadeed oo ku dhisan hannaan kala guur loo dhan yahay, is-afgarad qaran iyo mas’uuliyad wadaag si looga gudbo firaaqa dastuuriga ah ee ka dhashay dhammaadka muddo xileedka.
“Goluhu wuxuu wadahadallada uga qayb galay si niyad sami, masuuliyad, iyo daacadnimo leh, balse Madaxweynihii hore wuxuu doortay waddada khilaafka siyaasadeed, xasillooni darrada, iyo qalalaasaha amni,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay mucaaradka.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa ka digay tallaabooyinka Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay sheegeen inuu sii kordhinayaan xiisadaha siyaasadeed, oo dhaawici kara sharciyadda dastuuriga ah, isla markaana wiiqaya midnimada iyo xasilloonida dalka.
“Goluhu wuxuu si nabad ah oo sharci ah uga hortagayaa in Xasan Sheekh uu dalka ku sii hoggaamiyo xukun aan sharci iyo heshiis siyaasadeed lahayn, xilli Soomaaliya ay weli wajahayso khataro amni oo culus oo ay kamid yihiin kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish,” ayaa lagu yiri qoraalka mucaaradka.
Golaha aya sheegay inuu aaminsan yahay in xukuumadda federaalka ay muddada kala guurka ah ku shaqeyso mabda’a awood fulineed oo xakameysan (executive power restraint), kuna ekaato hawlo farsamo iyo maamul socodsiin, iyadoo ay ka reeban tahay go’aanno hal dhinac ah oo la xiriira arrimaha siyaasadda, dastuurka, doorashooyinka, iyo amniga qaranka, sida lagu yiri qoraalka.
War-saxaafadeedka mucaaradka ayaa imanaya saacado kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si cad u sheegtay in dalka uu galay xilligii loo guuri lahaa nidaam dimuquraaddi ah oo ka hana qaada dalka kuna dhisan mabda’a qof iyo cod, kadib markii lagu kala kacay wada-hadalladii maalmahana ka socday Xalane.
Dowladda ayaa sheegtay in siyaasiyiinta mucaaradka keeneen aragti ka duwan doorasho dadweyne, taas oo ay sheegtay inay ka hor imanayso xuquuqda aas-aasiga ah ee muwaadinka uu u leeyahay in uu wax doorto lana doorto.
“Dowladda waxay la wadaagaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, xor iyo xalaal ah, hufan, isla markaana waafaqsan dastuurka, shuruucda dalka iyo barnaamijka siyaasadeed ee dowladdu ballanqaaday,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in albaabka wada-xaajoodka iyo wadatashigu uu weli furan yahay, iyadoo si cad u sheegtay in aan marnaba laga gorgortami doonin in doorashada lagu celiyo dadweynaha.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad xasaasi ah, waxaana si weyn la isugu hayaa hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka, oo ay dowladdu sheegtay inuu dhaqan-gal noqday.


