Lafta-gareen oo qaaday tallaabo la xiriirta dadka ay soo masaafurisay Somaliland

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa markii u horeysay ka hadlay raafka dadka reer Koonfur Galbeed ee ka billowday Somaliland, gaar ahaan magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa ugu horeyntii tallaabadaas ku tilmaamay mid ka baxsan dhaqanka Islaamka iyo midka bini-aadantinimada oo aan ku jirin, islamarkaana aad u fool xun.

“Dadkaas sida naloo xaqiijiyey 90% waa dad kasoo jeeda Koonfur Galbeed, una tagay meesha si bini-aadantimo leh uga shaqeystaan, nolol ka suubiyaan, una tageen inay nabad ku helaan kuna noolaadan, ficilkii isaga ahaa sidda lagu bedalay ee dadkaas loo dhibaateyay aad iyo aad ayaa uga xumahay waana cambaareynaynaa,” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday maamulka Somaliland in si sharaf iyo xushmad leh uga saaran deeganadooda dadkaas, ayaga oo aan ku xadgudbeyn xoolahooda iyo xuquuqdii aas-aasiga ah.

“Illaa hadda waxaa maqleyna in ficiladii guracnaa ay socdaan oo hooyo iyo cunugeeda la kala raafayo, oo dareenka dadka Soomaaliyeed soo jeediyay aan hal mar is-bedel lagu sameyn.”

Lafta-gareen ayaa sheegay in guddi ka kooban shan wasiir uu u saaray arrintaas, kuwaasi oo daraasad ka sameyn doona, islamarkaana ka shaqeyn doona sidii dib-u-dajin loogu sameyn lahaa dadkaas.

“Waxaa codsaneyna in maamulka Somaliland jawaab deg deg ah ka bixiyaan, dadkaas muwaadiniinta ahna haddii la soo rarayo aan la kala rarin ayaga iyo hantidooda, iyo caruurtooda la kala rarin oo ku soo noqdaan xoriyadii ay shalay ku tageen.”

Ugu dambeyntiina madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si weyn ugu mahad-celiyay maamulka Puntland iyo shacabkooda sida ay ugu gurmadeen shacabka sida arxan darada ah looga soo mustaafuriyey magaalada Laascaanood ee maamulka Somaliland.

Hoos ka daawo muuqaalka