Al-Shabaab oo laba qof ku toogatay fagaare ku yaalla Jamaame + Magacyada

Kismaayo (Caasimada Online) – Xoogaga kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay fagaare ku yaalla degmada Jamaame oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ku toogtay laba nin oo ay u soo jeediyeen eedeymo kala duwan.

Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa ku sugnaa xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi.

Labada nin ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Xasan Cumar oo ahaa 59 jir iyo Maxamad Mowliid Aadan oo isna ahaa 48 sano jir.

Al-Shabaab ayaa Cabdullaahi Xasan Cumar ku eedeysay in uu ‘sixiroole’ ahaa, isla-markaana ku dhibaateyn jiray bulshada deegaanka, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale Maxamad Mowliid Aadan ayaa isnka kooxda waxa ay ku eedeysay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska Jubbaland, laguna qabtay duleedka magaalada Kismaayo.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Jubbaland oo ku aadan toogashada askarigaas oo ay Al-Shabaab sheegtay inuu ka tirsanaa maamulkaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.