Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii Jowhar + Khasaaraha

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xalay saq-dhexe ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed HirShabelle, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka HirShabelle, xilli ay kasoo laabteen munaasabad lagu xusayey aas-aaska maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya inay dhaawacmeen xildhibaanada kala ah Maxmed Cabdi Cali iyo Cabdiraxmaan Cabdi Iidow, kuwaas oo la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Jowhar.

Xildhibaan Cumar Soomane oo ka tirsan golaha wakiilada HirShabelle ayaa war kasoo saaray qaraxaasi, wuxuuna caafimaad deg-deg ah u rajeeyey saaxibadiisa.

“Alle ayaan idiinka rajeynayaa in uu idiinka booga dhayo dhaawicii idiinka ka soo gaaray qaraxii bam baanada ahaa waxaan rajeynayaa inaad sida ugu dhaqsiyaha badan uga kici doontaan inshaa Allaah  Mudane Mohamed Abdi Ali,iyo Mudane Abdirahman Abdi Iidow” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri Xildhibaan Cumar Soomane.

Dhanka kale laamaha ammaanka ayaa saaka sameeyey howl-gallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa.

Bishii hore ee September ayey aheyd markii qarax bambaano lagu weeraray guri ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan baarlamaanka HirShabelle, waxaana dhaawacmay illaa saddex xildhibaan.

Jowhar oo ay ka socdaan doorashooyin ayaa waxaa hadana sii kordhaya falalka ammaan darri ee ka dhacaya gudaha magaaladaasi oo xarun u ah dowlad goboleedka HirShabelle.