Ciidamada DF oo weerar ku qaaday duleedka Muqdisho iyo Saney Cabdulle oo loo xil…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo culus oo lagu qaadaayey isbaarooyinka waxay ka bilaabeen deegaanada dhaca inta u dhaxaysa magaalada Muqdisho iyo degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana hadda kadib la joogteyn doonaa howlgalkaas, iyadoo loo xil-saaray ciidanka Korneyl Saney Cabdulle.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga go’ay isticmaalka wadada xariirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Xarardheere ee marta dhulka xeebta ah, taas oo isbaarooyin xad-dhaaf ah ay soo dhigteen maaleeshiyaad hubeysan.

Inta badan wadadaas waxaa isticmaala gaadiidka maxuulka qaada ee TM-ka loo yaqaano, waxaana maaleeshiyaadkaas laga sii daayey ku dhawaad 30 gaari oo rakaab ah, kuwaas oo madax furasho ay u heysteen.

Abaanduulaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Saalax Yacquub ayaa warbaahinta dowladda Soomaaliya u sheegay in qaar ka mid ah raggii ay isbaarooyinkaas u yaaleen ay gacanta ku dhigeen, qaarna ay weli ku daba jiraan.

Abaanduulaha ayaa sidoo kale sheegay inay cagta mariyeen dhamaan wixii isbaaro yiilay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Cadale, sido kalena ay gudbiyeen gaadiid badan oo waayahaan ku xayirnaa Muqdisho.

Jeneraal Saalax Yacquub ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka guutada 4-aad ee 27-aad oo Saney Cabdulle uu hoggaamiyo hadda kadib loo xil saaray ilaalinta marinkaas muhiimka u ah gadiidka xamuulka ah ee isaga gudba koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

“Maanta wixii ka dambeeya waxaa loo xilsaaray oo aagaas masuul ka ah taliyaha guutada afaraad, Korneyl Saney Cabdulle, wixii isbaaro ah oo hadda kadib lagu arko wadadaas isagaa masuul ka ah, isagaan kula xisaabtameynaa, waxaa laga rabaa in jid-gooyo dambe aan la dhigan wadadaas,” ayuu yiri Jeneraal Saalax Yacquub Abaanduulaha qeybta 27-aad ee militeriga Soomaaliya.

Maalin ka hor ayey gaadiidleyda isticmaasha wadadaas waxay Muqdisho ka dhigeen banaan-baxyo xoog leh oo dowladda federaalka iyo HirShabeelle ay uga dalbadeen in wadadaas laga nadiifiyo isbaarooyinka.

Sidoo kale gaadiidleyda ayaa horay joojiyey safaradoodii, kadib markii ay ka quusteen marinka wadadaas, balse hadda waxay u muuqataa in laga jawaabay cabashadoodii, waxaana gaadiidkii ku xayirnaa Muqdisho ay horay u raaceen ciidamada ku jiray howlgalka.

Hoos ka daawo howlgalkii burburinta isbaarooyinka