KOOX hubeysan oo saddex qof ku dilay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil ay kooxo hubeysan saaka ka geysteen gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay xaafadda Xaawo Taako, waxaana loo geystay saddex qof, xilli ay ku shaaxayeen maqaaxi ku taalla halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in laba ka mid ah dadka la dilay ay ahaayeen askar, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay Cali Muuse  Bulaal (Cali Dahab) iyo  Xasan Dacaar, haka qofka saddexaad uu ahaa shacab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in raggii ka dambeeyey toogashada ay goobta isaga baxsadeen, kadib dhacdadaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta, waxaana baaritaano kooban ay ka sameeyeen agagaarka Suuqa Weyn ee degmada Wadajir.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi, waxaana weli socda baaritaano dheeraad ah.

Si kastaba, muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo qaar ay sheegatay Al-Shabaab.