Midowga Musharaxiinta oo dalab xasaasi ah u diray xukuumadda Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharaxiinta mucaaradka ayaa ka hadlay tallaabaddii ay Somaliland kusoo masaafuriyey dadka ka soo jeeda koonfurta ee ku dhaqnaa deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Qoraal kasoo baxay musharaxiinta ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan, ayna ka xun yihiin in si qasab ah loo soo barakaciyo dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan waxaana ay tilmaameen in falkaas uu meel ka dhac ku yahay islaanimada iyo Soomaalinimada

“Wuxuu kasoo horjeeda goluhu in fal dambiyeed ay dad kooban geysteen loo bartilmaameedsado Bulsho idil, dambi wadareedna loogu ciqaabo heyb iyo degaan ay kasoo jeedaan darteed, isla markaana ay u arkaan in falkaasi uu meel ku dhac ku yahay ,islaanimada, Soomaalinimada, Dimoqraadiyada, xaquuqul Insaanka iyo Sharciyada Caalamiga ah,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday golaha midowga musharixiinta.

Sidoo kale golaha midowga musharixiinta mucaaradka ayaa ka dalbaday Somaliland inay joojiso tallaabooyinka ka dhanka ah shacabka, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda koonfurta.

“Goluhu isaga oo ka damqanaya ku xadgudubka lagula kacay sharafka iyo hantida dadka qasabka lagu barakiciyay ayuu ugu baaqayaa madaxda Somaliland inay falkaasi ka fiirsadaan ,degdegna u joojiyaan ayaa lagu yiri’ Qoraalka Midowga Musharixiinta.

Ugu dambeyn musharixiinta ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey mas’uuliyiinta iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ay isku xilqaamay u gar-gaarida dadkaasi dhibaateysan.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay Somaliland Laascaanood kasoo saartay boqolaal dad ah oo ka soo jeeda dhinaca koonfurta, sababo la xiriira ammaanka magaaladaas oo maalmihii u dambeeyey ay ka dhacayeen dilal qorsheysan.