Addis Ababa (Caasimada Online) – Guddiga Midowga Afrika ayaa walaac ka muujiyey in wada-hadalladii heerka sare ahaa ee u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.
Wada-hadalladaas oo ka dhacay Muqdisho intii u dhaxeysay 13-kii illaa 15-kii May ayaa la doonayay in lagu qaboojiyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay doorashooyinka, wax ka beddelka dastuurka iyo sharciyadda hoggaanka dalka.
Mucaaradka ayaa ku doodaya in muddo-xileedka afarta sano ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhammaaday 15-kii May, isla markaana wixii ka dambeeya maalintaas loo aqoonsado madaxweyne hore. Hase yeeshee, qoraalka kasoo baxay Midowga Afrika ayaa adeegsaday erayo si cad uga duwan mowqifka mucaaradka.
Guddiga Midowga Afrika ayaa bogaadiyay “rabitaanka labada dhinac, Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo hoggaanka mucaaradka,” ee ah inay galeen wada-hadal toos ah oo loo dhan yahay.
Ereyadaas ayaa leh miisaan siyaasadeed oo weyn. Midowga Afrika kuma tilmaamin Xasan Sheekh “madaxweyne hore”, mana soo hadal qaadin in dowladda federaalka ay tahay maamul ku-meelgaar ah oo muddo-xileedkiisu dhammaaday. Taas beddelkeeda, wuxuu si cad u sheegay in Dowladda Federaalka uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Arrintan ayaa dharbaaxo diblomaasiyadeed ku ah mucaaradka. Sababtoo ah doodda ugu weyn ee ay mucaaradku wadeen tan iyo 15-kii May ay ahayd in Xasan Sheekh uusan hadda lahayn awood dastuuri ah, isla markaana aan lagu tilmaami karin madaxweynaha dalka.
Inkasta oo qoraalka Midowga Afrika uusan si toos ah uga garnaqayn muranka sharci ee muddo-xileedka, haddana luqadda diblomaasiyadeed ee uu adeegsaday waxay muujineysaa in hay’ad muhiim ah oo caalami ah aysan qaadan mowqifka mucaaradka.
Diblomaasiyadda, cinwaannada iyo erayada la adeegsado waxay leeyihiin macne siyaasadeed. Marka Midowga Afrika uu Xasan Sheekh ugu yeero “Madaxweyne” kadib markii mucaaradku ku dhawaaqeen in muddo-xileedkiisu dhammaaday, waxay taasi muujineysaa in beesha caalamku aysan weli u dhaqmayn sida uu dhacay isbeddel rasmi ah oo hoggaanka dalka ah.
Tani waxay wiiqeysaa dadaalka mucaaradka ee ah inay Xasan Sheekh ka go’doomiyaan dhinaca sharciyadda iyo aqoonsiga siyaasadeed. Waxay sidoo kale muujineysaa in cadaadiska caalamiga ah uu u badan yahay inuu ku wajahan yahay in dhinacyadu dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka, halkii lagu taageeri lahaa doodda ah in madaxweynuhu xilka ka dhammaaday.
Midowga Afrika ayaa ka digay in dhinacyadu ku sii adkaadaan mowqifyadooda kala fog, wuxuuna ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay si degdeg ah ugu laabtaan wada-hadal dhab ah, tanaasul iyo ku dhaqanka nidaamka dastuuriga ah.
Guddiga ayaa sidoo kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, oo ay ku jirto howlgalka AUSSOM, wuxuuna ammaanay dadaallada fududeynta ee ay wadaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah.
Qoraalka AU-da ayaa cadaadis saaraya labada dhinac, balse erayada uu adeegsaday waxay Dowladda Federaalka siinayaan faa’iido diblomaasiyadeed xilli xasaasi ah oo khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya uu galay marxalad cusub.

