Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay kordhiso mushaarka Ciidamada Qalabka Sida, in ka badan lix sano kadib markii ugu dambeysay ee mushaar kordhin ballaaran loo sameeyo ciidamada dowladda.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in qorshuhu yahay in wixii ka dambeeya bisha June ee sanadkan la kordhiyo mushaarka ay qaataan askarta dableyda ah ee ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.
Sida ay saraakiishu sheegeen, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheynaya in mushaarka askarta laga dhigo $300 bishii, halka hadda ay qaataan $200 bishii.
Qorshahan ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya ay ku jirto marxalad amni oo culus, iyadoo ciidamada dowladda ay weli dagaal kula jiraan kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo nidaamka mushaar bixinta, diiwaangelinta ciidamada iyo isla-xisaabtanka hay’adaha amniga.
Dowladda ayaa muddooyinkii dambe sheegtay inay adkeyneyso nidaamka lagu xaqiijinayo joogitaanka iyo diiwaanka askarta, si loo hubiyo in mushaarka uu gaaro askariga rasmiga ah ee ku jira shaqada ciidanka.
Mushaar kordhintii ugu dambeysay ee weyn waxaa la sameeyay xilligii xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, markii miisaaniyadda dowladda ee 2020 lagu daray kordhin lagu sameeyay dhaqaalaha ciidamada.
Golaha Wasiirrada ayaa xilligaas meel mariyay miisaaniyad gaareysay $459.5 milyan, taas oo qeyb ka mid ah loo qoondeeyay kordhinta mushaarka ciidamada. Mushaarka askarta ayaa markaas la gaarsiiyay $200 bishii.
Sidoo kale, 25-kii Luulyo 2013, Golaha Wasiirrada ee dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa go’aamiyay in mushaarka ciidamada dowladda laga kordhiyo $100, lana gaarsiiyo $160 bishii. Tallaabadaas ayaa xilligaas loo arkayay mid muhiim u ah hagaajinta nolosha askarta, maadaama ciidamada ay ku jireen duruufo dhaqaale iyo amni oo adag.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku baaqayay in la kordhiyo mushaarka ciidamada dowladda, iyagoo sheegay in $200 aysan ku filneyn askariga ku jira hawlgallada amniga, gaar ahaan marka la eego sicir-bararka, qiimaha nolosha iyo khataraha ay ciidamada wajahaan.
Haddii la hirgeliyo, mushaar kordhintan ayaa noqon doonta mid ka mid ah tallaabooyinka ugu waaweyn ee dowladda hadda jirta ku sameyso dhaqaalaha ciidamada, xilli ay xukuumaddu isku dayeyso inay sare u qaaddo niyadda askarta, isla markaana ay xoojiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

