27.1 C
Mogadishu
Sunday, May 17, 2026

Sacuudiga iyo Qatar oo diiday qorshe halis ah oo uu soo bandhigay Imaaraadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku fashilantay isku day ay ku dooneysay in ay ku qanciso dalalka Sacuudi Carabiya iyo Qatar si ay duqeymo wadajir ah oo aargoosi ah ugu qaadaan dalka Iiraan, sida lagu daabacay warbixin ay Jimcihii baahiyay Bloomberg.

Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Saayid, ayaa khadka taleefanka xiriirro xiriir ah kula sameeyay madaxda dalalka Gacanka, oo uu ku jiro Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, waxyar un kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay duqeymo ku qaadeen Iiraan 28-kii bishii Febraayo.

Xukuumadda Tehran ayaa tallaabadaas uga jawaabtay kumannaan gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) oo ay ku garaacday waddamada Khaliijka. Imaaraadka, oo sanadkii 2021-kii xiriir diblomaasi la yeeshay Israa’iil, ayaa dusha u ritay khasaaraha ugu weyn ee aargoosigaas, waxaana lagu dhuftay ku dhawaad 3,000 oo gantaal iyo diyaaradaha drones-ka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Maxamed bin Salmaan iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Gacanka ayaa gabi ahaanba gaashaanka u daruuray dalabkii ka yimid Maxamed bin Saayid ee ahaa in la qaado weerar isku-dubarridan oo ka dhan ah Iiraan. Warbixinta ayaa hoosta ka xarriiqeysa in dagaalka Iiraan uu sii kala fogeeyay xiriirka Riyadh iyo Abu Dhabi, beddelkii uu isku keeni lahaa dalalkan xafiiltama oo haatan wajahaya halis guud.

Waxaa hadda soo baxaya in Sacuudiga iyo Imaaraadkuba ay si gooni-gooni ah duqeymo aargoosi ah uga fuliyeen gudaha Iiraan. Falanqeeyayaasha ayaa weerarrada Sacuudiga ku tilmaamay kuwo qiyaasan oo is-xakameyn leh, iyadoo boqortooyadu ay durba u weecatay in ay taageerto dadaalladii dhexdhexaadineed ee uu garwadeenka ka ahaa dalka ay xulafada yihiin ee Pakistan.

Dhanka kale, Imaaraadka ayaa beegsaday xarumaha tamarta ee Iiraan. Wargeyska The Wall Street Journal ayaa horay u weriyay in Imaaraadku uu horraantii bishii Abriil duqeeyay jasiiradda Lavan ee Iiraan. Weerarkaas ayaa dhaliyay dab xooggan oo muddo bilooyin ah curyaamiyay awooddii warshadda, taas oo noqotay tallaabo sii hurisay xiisadda xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu gadaal ka riixayay olole xabbad-joojin ah.

Nuglaanta Imaaraadka iyo ciilkii ka dhashay

Halka Sacuudigu uu leeyahay dhuumo shidaal oo isku xira bariga iyo galbeedka si uu dhoofka saliidda u marsiiyo Badda Cas, Imaaraadku wuxuu si weyn ugu nugul yahay saameynta Iiraan. Dagaalkan ayaa sidoo kale dhaawac weyn gaarsiiyay maqaamkii Imaaraadka ee xudunta u ahaa dalxiiska iyo maaliyadda gobolka.

Arrintan ayaa keentay in Abu Dhabi ay fagaaraha iyo daaha gadaashiisaba ugu ololeyso in Mareykanku uu sii wado dagaalka Iiraan. Waxay xitaa Qaramada Midoobay horgeysay qorshe fashilmay oo u fasaxayay adeegsiga awood milateri si looga jawaabo awoodda ay Iiraan kula wareegtay marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.

La-taliyaha Madaxweynaha Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa dhankiisa si kulul u dhaliilay Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), isagoo jawaabtooda ku tilmaamay mid “tabar daran.” Niyad-jabka iyo carada uu Imaaraadku ka qaaday deriskiisa Khaliijka ayaa horseeday in bishii May uu isaga baxo dalladda dalalka dhoofiya shidaalka ee OPEC.

Xilli ay cirka isku shareertay xiisadda kala dhexeysa dalalka deriska ah, Imaaraadka ayaa sii laba-laabay xiriirka dhaw ee uu la leeyahay Israa’iil. Safiirka Mareykanka u fadhiya Israa’iil, Mike Huckabee, ayaa xaqiijiyay in Tel Aviv ay Imaaraadka u dirtay nidaamka difaaca gantaallada ee Iron Dome iyo ciidamo ka caawiya hawlgelintiisa, si ay uga difaacaan weerarrada Iiraan.

“Israa’iil hadda ayay u dirtay Imaaraadka Iron Dome iyo shaqaale ka caawiya hawlgelintiisa. Sababtu waa maxay? Sababtoo ah waxaa jira xiriir aan caadi ahayn oo u dhexeeya Imaaraadka iyo Israa’iil oo ku salaysan Heshiisyadii Abraham,” ayuu yiri Huckabee oo horraantii bishan ka hadlayay munaasabad ka dhacday Tel Aviv.

Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadka ayaa wali muujinaya taxaddar weyn marka ay timaado inuu si buuxda u qirto heerka uu gaarsiisan yahay iskaashiga Israa’iil. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa toddobaadkan shaaciyay in Benjamin Netanyahu uu booqasho qarsoodi ah ku tagay Imaaraadka xilligii dagaalka, balse xukuumadda Abu Dhabi ayaa si cad u beenisay in booqashadaasi ay dhacday.

- Advertisement -

Read more

Local News