31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 17, 2026

Somaliland oo fursad ka dhex aragtay khilaafka DF, dalab culusna u dirtay b/caalamka

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo ka faa’iideysanaysa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa dalab toos ah u dirtay wakiillada beesha caalamka.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad halis ah, iyadoo beesha caalamka u soo jeedisay inay dib u eegis ku sameyso siyaasadda ay kula dhaqmaan Soomaalida.

Maamulka ayaa si gaar ah u dalbaday in dalalka beesha caalamka ay aqoonsadaan Somaliland, oo iyadu ku dooda inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, isla markaana dhawaan heshay aqoonsi uga yimid Israa’iil.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa Somaliland ku tilmaamay dal dimuqraadi ah, nabdoon, isla markaana door weyn ka qaadan kara amniga iyo deganaanshaha Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxa uu beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka iyo Ingiriiska ku booriyay inay dib u eegis ku sameeyaan siyaasaddooda ku aaddan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay gashay marxalad halis ah oo ay ka mid yihiin muran sharciyeed, xasillooni darro iyo dagaal awood-ku-dirir siyaasadeed ah.

Dalabka Somaliland ayaa imanaya xilli ay fashil kusoo dhammaadeen wada-hadalladii madaxda Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka uga socday xerada Xalane, kuwaas oo dhex-dhexaadiyeyaal ka ahaayeen wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka iyo Ingiriiska.

Inta badan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa ka xumaaday natiijo la’aanta wada-hadalladaas, iyadoo aan la gaarin wax heshiis ah, kadib markii ay dhinacyadu isku fahmi waayeen arrimaha doorashooyinka dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta laba marxaladood oo xasaasi ah, kuwaas oo kala ah xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo mid bani’aadannimo oo ka dhalatay abaaraha ku dhuftay qaybo kamid ah dalka, taas oo saameysay dadka iyo duunyada.

- Advertisement -

Read more

Local News