Daawo: DF oo guul weyn ka sheegatay howlgallada ka socda degaanada Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Galmudug.

General Caanood ayaa shaaca ka qaaday in saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

“Waxay ciidamada ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan deegaanka Ceel Axmed, deegaanka Ceel Saban Sablaale, deegaanka Ceel Cali Xasan, deegaanadaasi waa deegaano ceel biyoodyo leh, dhul daaqsimeed leh oo cadowga ay ka talinayeen,” ayuu yiri Caanood.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in saaka ciidamada Xoogga dalka ay gudaha u galeen deegaanka Budbud oo ay muddo ka talineysay Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamay in ciidamada marka ay la wareegeen magaaladaasi ay soo dhaweeyeen dadka deegaanka.

“Saaka wuxuu sidoo kale ciidanka si buuxda ula wareegay deegaanka Budbud, waana tuulo weyn dad badanina dagan yihiin,” ayuu sii raacyay afhayeenku.

General Cabdullaahi Cali Caanood oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in tani tahay dharbaaxo kale oo ku dhacday Al-Shabaab, isla-markaana dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay billowdo wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah kooxdaasi.

“Howlgallo kale ayaa imaan doono, taasina waxaa weeye dharbaaxo hordhac ah oo ciidanka Xoogga dalka u geysanayo cadowga,” ayuu markale yiri General Caanood.

Xaaladda deegaanada lala wareegay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana howlgallo amni xaqiijin ah ka wada ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa si dardar leh ku socday howlgalkaan ay gobolka Galgaduud ka wadaan ciidan xoogga dalka oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay Shabaab sii baacsadaan ilaa degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur.