Ra’iisul wasaare Xamza oo gaaray Sacuudiga + Sawirro

Jiddah (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta gaaray magaalada Jiddah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Safarkan ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha ku wehlinaya qaar kamid ah Golahiisa Wasiirada, ayada oo ay soo dhaweyn u sameeyeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Riyad.

Booqashada ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta gudahashada Cimrada oo maalyiin muslimiin ah ay Bisha barakeesan ee Ramadaan gaar ahaan tobanka dabe ay ku gudanayaan acmaasha Magaalada Barakeysan ee Makah ee dalka Sacuudiga.

War kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlay socdaalkan, ayada oo ra’iisul wasaaruhu u duceeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu duceeyay Ummadda Soomaaliyeed in Alle uu ka dulqaado dhammaan dhibaatooyinka heysta oo ay ugu horreeyaan abaaraha iyo colaadda, uguna beddelo barwaaqo, nabad iyo midnimo.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa mar kale soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, isaga oo fariin u diray ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in sanadkan uu noqon doono sanadka guusha, isla-markaana Al-Shabaab laga xoreyn doono dalka oo dhan.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa sheegay in sanadkan uu noqon doono Gugii Guusha oo geesiyaasha ciidanka qalabka sida iyo shacabka oo wada jira ay uga xoreyn lahaayeen dalka Khawaarijta dhiigga ummadda daadinayay muddo 15 sano ah.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa in ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare uu la kulmo madaxda sare ee Boqortooyada Sacuudiga, isaga oo kala hadlaya xiriirka labada waddan.

Si kastaba, ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa sanadkaan ka mid noqday malaayiinta qof ee Bishaan Barakaeysan Ramadaan ku cimreesanaya magaalada Makka ee dalka Sacuudiga.