Qorshaha lagu sugayo amniga Muqdisho oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka oo dadaal badani ku bixineysa sugidda amniga magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in uu bilowday qorshaha lagu doonayo in nabad loogu soo dabaalo caasimadda.

Maxamed Cali Xagaa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka ayaa sheegay in qorshaha lagu xasillinayo amniga magaalada ay iska kaashanayaan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, kuwa Nabad Sugidda iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Waxa kaloo uu sheegay in ciidamadan ay si toos ah uga amar qaadan doonaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Sulub Axmed Firin.

“Ciidanka Nabad Sugidda, Booliska iyo Ciidanka Militariga hadda waa hal mid oo ka amarqaata Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Marka waa ciidan mideysan oo hal talis leh, magacyadoodaa kala duwan, laakiin waa hal ciidan, wixii xasillin ee magaaladana waxaa xukuma Taliyaha Booliska oo hoos yimaadaan,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Amniga.

Wasiiru Dowlaha ayaa tilmaamay in ciidamadan ay barro amni ka sameysteen gudaha iyo dibadda magaalada, si looga hortaggo weerarada maleeshiyada Al Shabaab.

“Hadda xeendaabkii dagaalka waa la fogeeyay, caasimadda culeyskii waa laga qaaday, Shabellooyinka iyo meel walba dagaal baa cadowga kaga socda, waxaan is leenahay qorshahaan boqolkiiba boqol (100%) waa ka fiicnaanayaa kii hore, Insha’Allah,” ayuu yiri Wasiir Xagaa.

Waxa uu intaa ku daray “Waa bil Ramadaan’e, Ilaahay wax fiican baa laga baryaayee, waxaan fileynaa qorshahaan inuu noqdo qorshihii magaala madaxda Muqdisho ay nabadda ku noqon laheyd.”

Xagaa ayaa xusay in ciidamada ku sugan bannaanada magaalada ay magaalada ka difaaci doonaan Shabaabka soo gelaya, halka kuwa gudaha ku sugana ay beegsan doonaan, kooxaha amni darrada ka gaysanaya.

“Haddii aan xeendaabka magaalada la xirin oo cadowga dibadda ka imaanayay aan laga difaacin magaalada, kan gudaha ku jira keligii lama xasillin karo,” ayuu yiri Maxamed Cali Xagaa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga. 

“Ciidanka laba qaybood bay u qaybsan yihiin, qayb xeendaabkii magaalada xireysa oo ilaalineysa, wixii cadow ah ee magaalada soo geli lahaa iyo mid gudaha ah, oo la shaqeynaya Gudoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Saldhigyada. Marka Gobolka Banaadir iyo ciidankana way wada shaqeynayaan.”