25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Daawo: DF oo keensatay khuburro reer Somaliland iyo Puntland ah oo ka caawinaya…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaga guddiga madax bannaan ee doorashooyinka qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan oo warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Muqdisho ayaa markii u horreysay qiray in khuburro xagga doorashada kala shaqeeya ay ka keensadeen deegaannada maamullada Somaliland iyo Puntland.

Cabdikariin oo ka qayb-galay kulan dadweyne ayaa shaaca ka qaaday in khuburrada ay keensadeen ay ka caawinayaan doorashada goleyaasa deegaanka ee ay qaban doonaan.

“Annaga gole deegaan ayaa ka shaqeynaa Puntland waa ka dhacday, Somaliland-na waa ka dhacday, annaga marka aan shaqada bilaabeynay khuburrada doorashadii Puntland iyo Somaliland qabtay ayaan keensanay” ayuu yiri guddoomiyaga guddiga doorashada.

Guddoomiye Cabdikariin ayaa xusay in afar xubnood ay kala yimaadeen Hargeysa iyo Garoowe, ayna ka mid yihiin quburada guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka.

“Somaliland waa gaamurtay, Puntland waa cusubtay 4 qof oo ka socda labadaas maamul ayaa waxa ay kamid yihiin quburada guddiga madaxa bannaan ee doorashada” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Mar walba waxaan dhageysanaa ra’yigooda, taladooda iyo tusaalahadooda”.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo marar badan Somaliland ay ku celcelin jirtay in Soomaaliya ay u baahan tahay inay uga dayato doorashada, maadaama ay qabato qof cod.

Si kastaba ha’ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorashooyin toos ah, waxaana hadda socda qorshihii ugu dambeeyay oo ay waddo Villa Soomaaliya.

Goor horeba waxaa lasii bilaabay diiwaangelinta dadweynaha oo hada ka socoto Muqdisho, waxaana la gaarsiisan doonaan gobollada, inkastoo weli ay diidan yihiin mucaaradka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News