Daawo: DF oo ku dhowaaqday in lasoo afjaray howlgalkii ka socday gobolka Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Tahliil Biixi oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in lasoo afjaray howlgalkii balaarnaa ee maalmahaan ka socday gobolka Hiiraan.

Taliye Biixi ayaa sheegay in intii uu socday howlgalkan oo loogu magac daray Waabari 2 lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Argagaxisada waxaa halkan looga dilay 127 Al-Shabaab ah oo cadowgii ah, laguna dilay dagaalladii kala duwanaa ee ka dhacay Hiiraan” ayuu yiri taliye Biixi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubnaha kale ee Al-Shabaab ay ka firxadeen Hiiraan, isla-markaana ay howlgalladu sii wadi doonaan inta laga xoreynayo dalka oo dhan.

“Firxadkooda waxaa naloo sheegay inay sii yaacayaan, iyaga oo ku yaacaya si aan talo ku jirin oo qof walba meeshii ka horreysay uu orday,” ayuu sii raaciyey.

Taliyaha ciidamada dhulka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay in la furay laamiga dheer ee isku xira Beledweyne iyo Buuloburte oo markii hore ay gooyeen Al-Shabaab.

“Waxaan rabaa inaan halkan ka caddeeyo waddada laamiga ah ee Beledweyne, illaa Buuloburde inay furan tahay oo maanta cadow ku dhex jira uusan jirin,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu boggaadiyey ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda ee fuliyey howlgalladaasi, isaga oo sidoo kale u mahadceliyey dhammaan reer Hiiraan.