Daawo: DF oo soo bandhigtay ciidamo carruur u badan oo Al-Shabaab laga qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) –Maxkamadda ciidamada ayaa Sabtidii la horgeeyey 32 qof oo loo heysto Shabaabnimo, kuwaas oo u badan carruur aan qaan-gaarin.

Sidoo kale kooxdaan waxaa ku jira rag waaweyn oo qaarkood hoggaaminayey caruurtaan ah Shabaab u qorsheeyeen inay ka dagaalamaan dhulka Galmudug iyo HirShabeelle.

Inta u dhaxeysa Deegaanka Basra iyo degmada Afgooye ayaa lagu qabtay gaadiidkii waday raggaan caruurta u badan oo aan hubeysneyn.

Al-Shabaab ayaa doonayey inay dadkaan u gudbiyaan deegaanada ay ka dagaalmayaan, iyagoo ka dhigaya shacab, balse waxaa ogaaday oo qabtay ciidan ku sugnaa jiinka wabiga, aagga deegaanka Basra.

Markii dhamaantood la hor keenay Maxkamadda Ciidamada waxay mid mid uga sheekeeyeen sidii loogu qanciyey, qaarkoodna loogu qasbay inay ku biiraan Al-Shabaab.

Carruurtaan ayaa soo bandhigay xogo naxdin leh oo muujinaya sida ay Shabaab dabka ugu shubayaan carruur aan dagaalami karin, sidoo kale waalidiintood ayey sheegeen caruurtaan in laga soo dhacay.

Ragga la hor keenay maxkamadda waxaa ku jira horjoogayaashii Shabaab u qaabilsanaa kaceynta carruurtaan qafaalan ee loo waday dagaalka iyo kuwii ku waday gaadiidka.

Xeer ilaaliyaasha maxkamadda ciidamada walabka sida ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan baaritaanka kiiskaan ay ku sameeyeen, sida loo kala leeyahay dembiga laga galay caruurtaan qafaalan, iyagoo maxkamadda ka codsaday in carruurtaan loo sameeyo dhaqan celin, maadaama aysan qaan gaarin.

Hoos ka daawo