Maxay tahay farriinta cusub ee DF ay u dirtay Al-Shabab?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed General Dayax Cabdi Cabdulle oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa booqday deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug, kadib markii laga saaray Al-Shabaab.

Dayax oo khudbad ka jeediyay deegaankaas ayaa farriin culus u diray kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay inay isaga tagaan gobolka Mudug, maadaama lagu jebiyay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in aysan dabka kusii shidin dhalinyaro u sheegay inay soo qaldeen, kuwaas oo ka barbar dagaalamay kooxda, sida uu hadalka u dhigay

“Waxaan leenahay war gobolka ka aruursada wixii idinka yaalla kala tega, ilmaha yaryarka ah ee aad qaldeysaan oo dadkoodii aad kasoo marin habaabiseen oo aad dabka kusoo shubeysaan meesha ka qaada dadkooda u celiya intaa ayaan u direynaa Shabaab” ayuu yiri

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday doorka dadka deegaanka, wuxuuna sheegay inay u istaageen xoreynta deegaankooda.

“Dadkaan waa diideen in la qabsado, dadkaan waa diideen in diintooda iyo noloshooda lagu cabiidiyo, waxaan leenahay aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiin, qof walba qoraygiisa ha qaato, gobolka Mudug waan ka saareynaa nimankan canaasiirta ah” ayuu sii raaciyay.

Ugu dmabeyn wuxuu boggaadiyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ee howlgallada ka wada gobollada dhexe, isaga oo kula dardaarmay inay sii wadaan halganka.

“Waajibaadkiinii aad Ummadda ugu adeegeyseen baad gudateen, waxaan idin leeyahay horay u socda waxyarbaa dhiman ee xididada u siiba” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Mudug ayaa kamid ah meelaha ay haatan ka socdaan howlgallada, waxaa sidoo kale barbar socda duqeymo diyaaradeed oo inta badan lagu laayo xubnaha kooxda Al-Shabaab.