Saciid Deni oo ciidamo horleh geeyay xarunta baarlamanka Puntland + Qorshaha

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe ciidamo ka tirsan kuwa PMPF ee Puntland ay la wareegeen xarunta baarlamaanka maamulkaas, kadib amar kasoo baxay madaxweyne Saciid Deni.

Ciidamada ayaa u daatay gudaha xarunta, waxaana ay la wareegeen amniga guud ee dhismaha ay ku shiraan Golaha Wakiilada Puntland.

Ujeedka ayaa lagu sheegay in madaxtooyada ay dooneyso in halkaas ay gayso guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee uu dhowaan soo magacaabay madaxweyne Deni.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Deni uu rabo in guddiga uu shaqo bilaabay, kaas oo diidmo kala kulmay guddoonka golaha iyo xubnaha mucaaradka.

Deni ayaa lagu eedeeyay inuu xubno badan kusoo darsaday guddiga uu magacaabay, taas oo ay diidan yihiin musharixiinta la tartameysa, maadaama la galayo olole doorasho.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii la’isku fahmi waayey dadaalladii & waa-waanta socotay ee lagu doonayo in xal looga gaaro arrinta doorashada oo ay weli dood ka taagan tahay.

Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad cakiran, ayada oo lagu sii dhawaanayo xilligii doorashada oo ah siddeeda bisha Janaayo ee sanadka 2024-ka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana saameynta khilaafkan si weyn looga dareemayaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.