Daawo: DF oo soo xirtay mashruuc sanado badan ka socday badda Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xirtay mashruucii burcad badeedda ee Badweynta Hindiya, kaasi oo socda in ka badan 10 sano. 

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay QM ka codsatay in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee la-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021), laga billaabo 3-da bisha March 2022.

Go’aankan ayaa yimid ayada xeebaha Soomaaliya ay hadda noqdeen nabad, islamarkaana aysan jiran warbixin sax ah oo cadeynaysa in ay xalis dhanka nabad-galyada ah ay ka jirto isu socodka gaadiidka badda ee mara badda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. 

Arrintan ayaa aheyd mashruuc la buun buuniyay oo dowlado shisheeye ay shaqo ka dhigteen, hase yeeshee shalay oo taariikhdu aheyd 15-ka February 2022 ayay Dowladda Soomaaliya u suura-gashay in gebi ahaan la xiro mushruucan sumcad xumadda xambaarsanaa muddada dheer.

Danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan “Baale” ayaa shalay Golaha Ammaanka ee QM ka sheegay in guud ahaan la joojiyay mashruuc La-dagaalanka Burcad-badeedda, maadaama aysan xeebaha Soomaaliya ka jirin wax Burcad-badeedda ah.

Danjire Abuukar Baale ayaa yiri “Shantii sano ee lasoo dhaafay wax weerar Burcad-badeedda ah kama dhicin xeebaha dalkeena, sidaas darteed shaqada howlgalka caalamiga ee loogu magac daray la-dagaalanka Burcad-badeedda waxaa looga faa’iideysan karaa arrimo lagu xoojin karo Dowladnimada Soomaaliya ee taageeradda beesha caalamka.”

Danjiraha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay dadaalka ay bixinayaan Saaxiibadda Soomaaliya si loo gaaro hiigsiga fog. 

Hoos ka daawo khudbadda danjire Abuukar Baalle