Wararkii ugu dambeeyey qaraxyadii iyo dagaaladii xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo qaraxyo iyo dagaallo toos ah oo xalay saq-dhexe ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Weerarka koowaad oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu beegsaday saldhigga degmada Kaxda, waxaana gudaha u galay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerarka ku qaaday halkaasi.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale dab qabad-siisay qaybo ka mid ah saldhigga, kadibna waxaa la sheegay in dagaalyahanadu ay horey usii qaateen laba gaari oo nooca dagaalka ah.

Sidoo kale weerarka labaad oo isna ku bilowday qarax oo uu xigay dagaal toos ah ayaa lagu qaaday xaafadda Daarusalaam, waxaana la sheegay in qaraxa lagu weeraray guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada Heliwaa oo ku sugnaa halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dhanka kale xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraray saldhigyo ku yaal Calamada ilaa Ceelasha Biyaha, halkaasi oo rasaas xoogan laga maqlay, kadib markii ay difaac adag kala hortageen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka amniga oo ka hadlay weeraradan ayaa shaaciyey inay billowdeen abaare kowdii habeenimo, wuxuuna tilmaamay in Al-Shabaab ay soo weerareen Muqdisho iyo duleedka.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka ay sameeyeen iska caabin xoogan, isla-markaana dowladda Soomaaliya ay saacadaha soo socda shacabkeeda la wadaagi doonto khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi.

Si kastaba, weeraradan ayaa si xoogan looga dareemay caasimada oo dhan, iyada oo sidoo kale cabsi xoogan ay soo wajahday dadka deegaanka.