Daawo: DF oo u muuqata inay ka laabatay go’aan ay horey ugu ciqaabtay Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inuu furan yahay bixinta shatiyada qaadka, lagana keeni karo dal kasta, taasi oo u muuqata inay meesha ka saarayso xayiraadii hore u saarneyd qaadkii laga soo dhoofin jiraya dalka Kenya.

Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa ganacsatada Soomaaliyeed u sheegay inaysan jirin cid si gaar ah loogu xiray ka ganacsiga qaadka, islamarkaana ay u furan tahay qof kasta oo raba inuu keeno dalka.

“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda federaalka Soomaaliya, waxaan halkaan ka cadeynayaa in cidna uusan u xirneyn ka ganacsiga qaadka, keliya qofka ka ganacsanaya waxa looga baahan yahay inuu sharcigeeda soo maro oo uu liisan soo qaato,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxa uu intaas ku daray “Jaadka waa furan yahay, meesha rabto kasoo qaad, keliya wadadeeda soo mar oo sida alaabaha kale loo canshuuro usoo mari kastamka.”

Sidoo kala waxa uu carabka ku adkeeyay in marnaba aysan dowladda aqbalayn in qaadka si tuuganimo ah loo soo geliyo dalka, midaasi oo ka hor imaneysa sharciga cusub ee loo dajiyay ka ganacsiga qaadka.

Beyle ayaa ku booriyey ganacsatada rabta inay qaad ka ganacsadaan ay qaatan shatigiisa, isagoona ka digay in si dhuumaaleysi ah qaadka lagu soo gasho dalka.

Hadalkan ayaa meesha ka saaraya xayiraadii ay dowladda federaalka hore ugu soo rogtay qaadka loo yaqaano Miirooga ee laga keeni jiray Kenya, maadama uu sheegay Beyle in uu furan yahay ka ganacsiga qaadka.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay kasii dartay xiisada labada dal, iyada oo dowladda federaalka ku eedeysay Kenya in maleeshiyaad ay soo abaabushay dagaal ka bilaabeen magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Hoos ka daawo Beyle