Maxaa ka jira inay ciidamo Kenyan ah ka qeyb qaateen dagaalkii Beled-Xaawo?

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa beeniyay sheegashada dowladda federaalka ee ku aadaneyd dagaalkii magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kaasi oo ay sheegtay inay qeyb ka ahaayeen ciidamada Kenya.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyntaasi, isagoona xusay inay been abuur tahay hadalkii uu wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya u ku sheegay in dagaalka ka dhacay Beled-Xaawo ay ku qabteen ku dhow boqol maxaabiis oo ah ciidamada Jubbaland.

“Nin Wasiir ah oo dhahaya maxaabiis ayaan ku qabanay dagaal ka dhacay Beled Xaawo,waa caadadooda in baraha bulshada ay been ka buuxiyaan,wasiir ku faanaya maxaabiis inaan u jawaabo mustawaheyga ma ahan,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

Maxamuud Sayid oo wareysi siiyay idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa dowladda federaalka ku eedeyay inay Beledxaawo soo dhoobtay ciidamo aan marnaba u tureyn shacabka ku nool magaaladaas, oo u horseeday geeri, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in maamulka Jubbaland uusan waxba ka khuseyn xiisada Kenya kala dhaxeysa dowladda federaalka, isla markaana aysan jirin ciidamo ka qeyb qaatay dagaalka Beled-xaawo oo gacan siinayey kuwa Jubbaland.

“Dowlada Kenya deris ayaan nahay annaga dowlad goboleed ayaan nahay, dowlada federalka iyadaa mas’uul ka ah xiriirka wadamada deriska ah Kenyana ma joogto meesha,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay VOA-da.

Magaalada Beled-xaawo ayaa waxa ka dhacay saacadihii u dambeeyay dagaal ay ku dhintay dad ka badan 20 qof oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamay, waxaana ugu dambeyn gacan ku haynta magaalada la wareegay ciiidamada dowladda oo markiii horeba haystay.