Dowladda ITOOBIYA oo war kasoo saartay xaaladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii u horeysay ka hadashay warar maalmihii u dambeeyay qabsaday baraha bulshada, kuwaasi oo ku aadana xaaladda caafimaad ee ra’iisal wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed, kadib muddo laga waayay warbaahinta.

Xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inaysan waxba ka jirin wararkaas, oo ay ku tilmaameen been abuur aan sal iyo raad laheyn.

“Waxaan jecelnahay inaan dadweynaha la wadaagno in wararka la isla dhex-marayo ee la xiriira badqabka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay yihiin kuwa been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraal lagu qoray barta Twitter-ka ee Xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maalmihii u dambeeyay la arkin, iyada oo ay xusid mudan tahay in uusan la kulmin Wasiirka arrimaha dibedda UK oo booqasho ku tagay dalkiisa, midaasi oo sarre u qaaday tuhunka la xiriira xaaladiisa caafimaad.

Wararka la isla dhex marayay ee xaalada caafimaad ee Abiy ayaa waxay sheegayaan in arrin caafimaad loogu qaaday dalka dibadiisa, kadib toogasho lala beegsaday, taasi oo uu beeniyay xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Abiy ayaa markasta dhaq-dhaqaaqiisa laga dareemi jiray baraha bulshada oo uu taageerayaashiisa iyo bulshada dalkaas kula wadaagi jiray hadba marxaladaha cusub, midaasi oo aan dhicin maalmihii lasoo dhaafay.

Itoobiya ayaa wajaheysa xiisad siyaasadeed oo xoogan, kadib markii xukuumadda Abiy Axmed ay dagaal ku qaaday maamulka TPLF, oo ugu dambeyntii duurka galay, kuna dhawaaqay dagaal jabhadeysan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.