Dowladda KENYA oo war RASMI ah ka soo saartay dagaalka BELED-XAAWO

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasi oo dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay ciidanka dowladda kusoo qaadeen “jabhad fallaago ah oo ay soo hubeysay Kenya.”

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dagaalka kasoo cusboonaaday xuduudda, gaar ahaan magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Kenya waxay sheegtay in “dagaalka uu u muuqdo inuu u dhaxeeyo ciidamada dowladda fedeeraalka Soomaalia iyo kuwa maamulka Jubaland.”

Kenya ayaa intaas ku dartay in walaaceeda ugu weyn uu yahay in dagaalka uu dhaliyo barakaca dadka shacabka, uuna horseedo qaxooti badan oo magan-galyo doon ah oo soo gala Kenya, taasi oo kasii dari karta xaaladda markii horeba xumeyd ee Soomaaliya iyo xerooyinka qaxootiga Kenya.

Waxa sidoo kale sheegtay inay ka walaacsan tahay in haddii dagaalka uu sii socdo, in xaaladda ay sii xasillooni dareyn karto gobolka, islamarkaana adkeyn karto xaaladda amni, dib u dhacna u keeni karto guulihii laga gaaray dagaalka argagixisada.

Kenya ayaa si rasmi ah qoraalkan uga jawaabin eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah inay “Kenya soo hubeysay jabhad fallaago ah.”

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa xalay yiri “Waxaan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha dalka Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ee ku dhisan is xaq-dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo.” 

Kenya ayaa ugu dambeuy ku baaqday in dagaalka deg deg loo joojiyo, islamarkaana xaaladda caadi lagu soo celiyo.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 20 qof oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamay, waxaana ugu dambeyn gacan ku haynta magaalada la wareegay ciiidamada dowladda oo markiii horeba haystay. 

Hoos ka aqriso qoraalka dowladda Kenya