DF oo war cusub kasoo saartay khasaaraha dagaalkii Masaajid Caliguduud + Video

Cadale (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faahfaahin cusub ka bixisay howlgalkii culuslaa ee todobaadkan lagula wareegay deegaanka Masaajid Caliguud, kadib dagaallo u dhexeeyey ciidanka dowladda & Shabaab oo ka dhacay halkaasi.

General Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) oo ka mid ah saraakiisha sare ee milatariga Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay furinta hore ee dagaalka ayaa sheegay in Masaajid Caliguduud oo muddo saldhig u aheyd Al-Shabaab haatan laga fara maroojiyey, wuxuuna shaaca ka qaaday in halkan ay kooxda u aheyd albaab muhiim ah oo laga soo galo.

“Runtii Caliguduud dadka waxa ay u heysteen magaallo caadi ah, laakiin ma aheyn waxa ay aheyd albaabka koowaad ee Al-Qaacidada laga galo” ayuu yiri Gerenaral Tareedisho.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey tirada rasmiga ee Al-Shabaab looga hadlay howlgalkaasi, isaga oo xaqiijiyey inay gaarayaan illaa 189 xubnood, sida uu hadalka u dhigay.

“Howlgallada meel fiican ayey marayaan Khawaarijta meeshaan waxaa looga dilay dad gaaraya ilaa 189, halkaas way ku baaba’day,” ayuu yiri markale sii raaciyey.

Dhinaca kale xildhibaano, siyaasiyiin, waxgarad iyo guddi ka socdo dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Masaajid Caliguud, kuwaas oo kormeeray gudaha deegaankaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana ciidamada huwanta ay isku ballaariyeen magaaladaasi, kadib markii Al-Shabaab duqeyn iyo dagaal looga saaray halkaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa ujeedkooda uu yahay inay gaaraan illaa degmada Aadan Yabaal oo uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab.