Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii madaxda Golaha Wadatashiga Qaran

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ee sheegta inuu ka go’ay inta kale ee Soomaaliya ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii shalay kasoo yeeray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ee shirka kusoo geba-gebeeyey Muqdisho.

Golaha wadatashiga Qaran ayaa ugu baaqay inay madaxda iyo shacabka Somaliland ilaashadaan xasilloonida iyo nabadda xilli ay deegaanadaas ka taagan tahay xasarad ka dhalatay doorashada madaxweyne ee weli la qaban la’yahay.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleemaan Cali Koore ayaa sheegay in hadii ay cid la talinayaan oo ay wax yihiin Golaha Wadatashiga ay badbaadin lahaayeen shacabka hortooda maalin walba lagu dilayo.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in maalin kasta Soomaaliya lagu dilo dad shacab ah oo ay mas’uul ka yihiin Golaha Wadatashiga Qaran loogana baahan yahay inay dadkooda u tashadaan oo ay ka badbaadsaadan cadawga dilaya.

Saleemaan Cali Koore ayaa madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inaysan waqti isaga lumin arrimaha Somaliland, islamarkaana looga baahan yahay inay ku ekaadaan xalinta dhibka heysto shacabka ay madaxda u yihiin.

“Shacabka hortooda ugu dhimanaya sida Ayaxa iyo Kaneecadda la buufiyey oo kale ayaa tallo uga baahan ee Somaliland talo ugama baahna,” ayuu wasiir Saleemaan Cali Koore oo qabtay shir jaraa’id.

Somaliland ayaa mar walba ka jawaabta hadallada iyo go’aanada kasoo baxa Dowladda Soomaaliya ee ku saabsan arrimaah Somaliland, iyaga oo aaminsan inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Somaliland ayaa dhowr sano ka hor ku dhawaaqday inay tahay dal madax banaan balse illaa iyo hadda ma aysan helin aqoonsi caalami ah, waxaana sidoo kale diidan Soomaalida inteeda kale.