Daawo: Dowladda oo xil u magacowday Abwaan Guure

Muqdisho (Caasimada Online) – Abwaan Cusmaan Cabdullahi Guure ayaa loo magacaabay maareeyaha golaha murtida iyo wac-gelinta qaranka, xilkaas oo horay sidaan oo kale loogu magacaabay markii ay cusbeed dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys ayaa xilkaan u magacaabay Abwaan Guure, wuxuuna sheegay in deg deg loogu baahan yahay in la soo saaro fanaaniin qaran oo kaalin ka qaada karta wacyi gelinta iyo jiheynta bulshada.

Waxaa wareegtadaan xilkii maareeyaha golaha murtida iyo wacyi-gelinta looga qaaday Abwaan Shube oo saaxiib dhow la ahaa madaxweynihii hore Farmaajo.

Shube ayaa aad u taageersanaa mudo kororsigii Farmaajo, wuxuuna sameeyey hees markii dambe ay kooxdii Farmaajo ku dhici weysay inay baahiso, taas oo Abwaan Shube uu ku taageeray mudo kororsigii fashilmay.

Waa markii labaad oo xilkaan loo magacaabay Abwaan Guure, waxaana xusid mudan in markii hore la magacaabay tiyaatarka qaranka oo burbursan, kaas oo Guure uu olole u galay in isxilqaan lagu dhiso.

Hoos ka daawo wareegtada