Xasan Sheekh oo u baxay safar dibadeed laba maalin kadib qaraxyadii Zoobe 2

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay u baxay safar kale oo dibadeed isaga oo gaaray magaalada Khartoum ee dalka Sudan, ugana sii gudbaya dalka Algeria, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Xasan Sheekh ayaa Algeria uga qeyb-galay shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta, sida ay madaxtooyada sheegtay.  

Safarka cusub ayaa imanaya laba maalin kadib markii 120 lagu dilay qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho, boqolaal qof oo dhaawac ahna ay weli ku jiraan isbitaallada, taasi oo dhalineysa su’aallo ku saabsan haddii safarka xilligan uu habboonaa. 

Hase yeeshee, Villa Somalia ayaa isku dayday inay qiil u sameyso safarkan islamarkaana xiriiriso safarka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.   

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ayaa caawa gaaray magaalada Khartuum, halkaas oo uu kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Qaar ka mid ah shacab ka falceliyey qoraalka safarka oo lasoo dhigay bogga Villa Somalia ee Facebook ayaa muujiyey sida aysan ugu qanacsaneyn, ayaga oo soo dhigay qoraallo canaan ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii dib loo doortay galay safarro badan. Qaar ka mid ah dadka dhaliila ayaa safarrada qaar ku qeexay kuwa laga baaqsan karay halka taageerayaashiisa ay ku macneeyeen kuwa muhiim u ah xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalka caalamka iyo in dowladda ay hesho taageero.

Soomaaliya ayaa xilligan ku jirta dagaal ay shacabka qeyb ka yihiin oo madaxwenaha uu iclaamiyey, kaasi oo toddobaadyadii ugu dambeeyey uu ka muuqday gaabis xooggan, ayada oo ay sii yaraanayaan deegaanada lagula dagaalamayo Al-Shabaab.

Muddada uu dagaalkaas socdo ayaa madaxweynaha wuxuu galay safarro badan oo dibadeed, welina ma tegin deegaanada ay dagaallada ka socdaan si uu u dhiiri-geliyo ciidamada dowladda iyo shacabka hubeysan.