Daawo: Dhabancad oo baaq u diray xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Dhabancad oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay hoolka lagu wado inay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa baaq u diray xildhibaanada ka maqan hoolka.

Guddoomiye Dhabancad ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay si deg deg ah usoo xaadiraan hoolka si ay u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, oo uu sheegay inay maanta dhici doonto.

Cabdisalaan Dhabancad, oo dhanacyada ay ka taagnaayeen dhowr xildhibaan iyo guddoomiyaha guddiga doorashada golaha shacabka, ayaa ciidamada ammaanka ugu baaqay inay xildhibaanada u fududeeyaan soo gelista hoolka doorashada.

“Aniga iyo xildhbaano kale waxaan joognaa halkii lagu ballamay, waxaa hoolka joogo xildhibaano aan badneyn, waxaana xildhibaanada maqan ka codsanayaa inay soo xaadiraan teendhada, waxaan maqlay in xildhibaano badan jidadka laga celiyey, jidadka waa la furay hadda anaga ayaana codsanay,” ayuu yiri guddoomiye Dhabacad.

Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo aaday xilli inta badan xildhibaanada Golaha Shacabka loo diiday inay soo galaan hoolka, waxaa kaliya hadda gudaha ku jiro xildhibaanada mucaaradka oo watay ciidamo aad u hubeysan.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo katirsan Golaha Shacabka ayaa goor sii horeysay sheegay in Ciidamo Boolis ah ay Xildhibaanada u diideen inay tagaan Goobta doorashada ee Teendhada Afisiyooni.

Qoraal uu Xldhibaanka soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Mas”uuliyad daradii dalkeenna hogaan kiisa haysatay shantii sano ee lasoo dhaafay ay khaatumadeedii kusii guda jiraan waa sida uu hadalka u dhigay.

War kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ayaa looga hadlay howlaha Doorashooyinka Dalka gaar ahaan tan Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, khilaafaadka taagan iyo Dhinacyada caqabadda ku ah geedi-socodka.

Qoraalka ayaa ugu horreyn lagu soo dhaweeyay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Baarlamaanka Federalka, Beesha Caalamka ayaa ku tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka Doorashooyinka Soomaaliya.

Waxa ay ka digeen qalalaase iyo dib udhac markale dhaawaca geedi-socodka Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa soo jeediyay khilaafaadka siyaasadeed ee jira in xal loo helo si loo dhammeystiro doorashada Dalka.