Daawo: Dhaqaale xumada Muqdisho oo maanta mareysa meeshii ugu darneyd

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka oo bilihii dambe laga dareemayay dhaqaale xumo baahsan ayaa xilligaan waxay mareysaa meeshii ugu darneyd.

Caaqilka Mudulood oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in maanta Muqdisho ay mareyso in xitaa marka shaaha la cabo boonada laga kala dhuunto, taasi oo muujineysa in meeshii u darneyd uu mareyso dhaqaalihii caasimadda.

“Maanta magaalada Muqdisho waxay mareysaa shaaha marka la cabo hoteelada in boonada laga kala dhuunto, oo qofku dhaho musqushaa aadaa oo horey u baxo. Dadka gobolkaan ku nool dulmi uma yara oo wax kasta waxaa looga qaatay canshuur,” ayuu yiri Caaqilka oo la hadlay Shabelle Tv.

Sidoo kale wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in maanta ay dowladda ula timaado dadka sidaas u dhibaateysan haddana la yiraahdo lafihii faaga, “arrintaas arrin fool xun waaye oo aan qaban bulshada gobolka Banaadir.”

“Iyada oo dhaqaalihii gobolka Banaadir uu 0000 maraayo, looma baahno in culeys lasii saaro bulshada, waxaan leenahay madaxweynaha bulshadaan culeyska ka dulqaada.”

Caaqilka ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in dhaqaale xumada ka jirta magaalada Muqdisho ay qeyb ka tahay dowladda oo dad gooni ah u xirtay wixii yimaadda, islamarkaana looga baahan yahay inay wax ka qabato.

“Canshuurta waa xad dhaaftay, ganacsiyada qaar waa xirmeen, madaxweynoow adiga shalay bulshadaan lagu doortay oo Kutub Qur’aan ah gacanta u saaray ee madaxweynoow hoos u fiiri dadkaan goonida ee dowladnimada loogu xiraayo qeyb qeyb.”

Hoos ka daawo