Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa dalka Rwanda uga qeybgalay Xaflad ay ku qalinjabinayeen Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliyed.
Saraakiishaan ayaa bartay hoggaaminta ciidanka, maamulka iyo maaraynta, nabadda iyo xal u helidda Xasaradaha, waxana ay qateen shahaadada heerka 2-aad ee Jaamacadda dalka Rwanda.
Tirada saraakiisha qalinjabisay ayaa dhan 34 sarkaal, waxana qeyb ka ahaa saraakiil ka kala socotay qaar kamid ah dalalka Afrika.
Tirada Saraakiisha qalin jibisay oo ahayd 34 Sarkaal ayaa ka kala socday wadamada kala ah:- Somalia, Botswana, Kenya, Lesotho, Malawi, Rwanda, Namibia, South Sudan iyo Tanzania.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa ku socda dhisme xoog leh, waxayna tababarro ku qaataan dalal ay ugu horeyso Jabuuti, sidoo kale Rwanda ayaa hadda tababar loogu soo xiray saraakiil Soomaaliyeed.
Sidoo kale ciidamada kale ee qaranka Soomaaliya ayuu ku socdaa dhisme xoog leh, gaar ahaan militeriga oo tababarro ku qaata dalal kala duwan.
Wadamada Turkiga, Eritrea, Uganda iyo Mareykanka ayuu ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ku qaataa tababarro is dabajoog ah, waxaana weli socda dhismaha ciidanka.
Dowladda Soomaaliya oo ka soo kabaneysa burburkii dalka ku dhacay ayaa taakuleyn dhanka tababarrada ciidamada ah ka heshay dalalka ugu muhiimsan caalamka, sidoo kale waxaa jira dalal dhanka dhaqaalaha ka taageera ciidamada Soomaaliya.