29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 24, 2025

Falcelin aan caadi aheyn oo ka dhalatay tallaabaddii uu xalay qaaday Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magacaabay hoggaano iyo talisyo cusub oo ku soo biiray taliska guud ee ciidanka xoogga dalka.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in qorshaha lagu magacaabay talisyadaan uu ku yimid dib u habeyn iyo dardar-galin lagu sameynayo awoodda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale qorshahaan ayaa waxaa soo jeediyey wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana xalay lagu soo saaray xeer madaxweyne.

Talisyada cusub ee lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kala ah, 1-Taliska Ciidanka Gaarka ah ee CXDS, 2-Taliska Tababarada CXDS, 3-Taliska Sahanka & Wardoonka CXDS, 4-iyo Taliska Taakulada Guud ee CXD.

Tallaabadan ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayada oo dadka qaarkii ay saluug ka muujiyeen kaalinta magacaabistan ay ku leedahay wasaaradda gaashaandhiga, halka kuwa kale ay soo dhaweeyeen, maadaama ay tahay tallaabo horey loogu qaaday dardar-gelinta dagaalka Al-Shabaab.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Ilyaas Guure ayaa waxa uu yiri “Alle ceeb badnaa oo isku dhex yaac weynaa, dib u habeyn ciidan taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa laga rabaa wasaaradda gaashaandhiga shaqo kuma lahan kaliya siyaasada, sharciyada, hub casriya inay caalamka ka keento ama heshiishyo ciidan dowladaha la gasho shaqadeeda waa midaas.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxyaaba keenay furimaha in laga soo baxo waa dagaalka ka dhaxeeya wasiirka gaashasndhiga iyo taliyaha xoogga.”

Haaruun Kuusow ayaa isna waxa uu yiri “Afarta talis ee cusub waxaa la rabay in aan ciidanka la qorin, in la dhiso inkasto ay soo daaheen maanta ayaaba loogu baahi badan yahay waa hadeey sida sharciga waafaqsan ushaqeeyaan.”

“Away taliyaha ciidanka tan kale intee buu kasoo galaa magacabis ciidan wasirka gashaandhiga tan kale taliyaha cidanka xooga hadii wax magacabi karin ama latashi suubin karin maxuu u jogaa,” ayuu yiri Ciise oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabada madaxweynaha.

Axmed Warsame Wardheere: “Waa waxaan macnahooda la fahmi karin waxay u badan tahay in rag hore u magacownaa awoodooda lagu wiiqayo.”

“Muhiimadu waa in dalka la xoreeyo, alla haka dhigo kuwii dalka nabadeeya,” ayuu sidoo kale yiri Bishaar Axmed.

Cabdullaahi Muxumed Maxamed ayaa waxa uu yiri “Runtii tallaabo fiican bay caawa sameysay madaxtooyadu dal dhan oo aan lahayn “military intelligence” waa ceeb marar badan ayaana lagu taliyey in taliskaas la magacaabo.”

Waxa uu intaas kusii daray Cabdullaahi “Tan kale ma ahayn in la isa saaro sahanka iyo sirdoonka military-ga waa labo qaybood oo kala madax-banaan, haddii aad akhrisay buugta ka hadasha dagaalada mid walba shaqadeeda waad ogaan kartaa iyo faa’iidada ay leeyihiin.”

- Advertisement -

Read more

Local News