Daawo: Dibadbax ka dhashay ehelka sarkaal saaxiib la ahaa Fahad Yaasiin oo la xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada Taliyihii hoggaanka dabagalka ee hey’adda NISA Cabdullahi Dheere oo xilkaas hayey intii uu hey’adda hogaaminayey Fahad Yaasiin ayaa Muqdisho ka dhigay banaanbax ay cadaalad ku dalbanayaan.

Dadka soo banaanbaxay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la xiray ehellada Taliye Cabdullahi Dheere, iyagoo sheegay inay tirsanayaan cadaalad darro weyn.

Ciidanka NISA ayaa la sheegay in maalin ka hor ay galeen gurigii uu Muqdisho ka deganaa Cabdullaahi Dheere, kadibna ay xabsiga dhigeen qaar ka mid ah ehelkiisa oo guriga ku sugnaa.

Cabdullahi Dheere ayaa ku maqan dalka dibadiisa, isagoo Muqdisho isaga baxay markii uu ka dhoofay Fahad Yaasiin oo hadda la sheegay inay isku meel ku noolyihiin.

Dadka banaanbaxa dhigay ayaa si gaar ah Madaxweyne Xasan Sheekh uga codsaday inuu u cadaalad falo oo awoodda dowladda aan loo adeegsan shacabkiisa.

“Waxaan dowladda ka codsaneynaa in naloo sii daayo dadkii guryaha laga soo kaxeystay, horay Madaxweyne Xasan Sheekh waa kii u yiri kala aarsi ma jiri doono, marka anagoo ah ehelkii dadka xiran waxaan codsaneynaa in naloo soo daayo,” ayuu yiri mid ka mid ah banaanbaxayaasha.

Dadkaan dhigayey banaanbaxa ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhig ah “Ku tagri falka awooda dowladnimada waa waxa burburiyey dalkaan.”

Gabar ayaa tiri “Waxaan qoraxda u soo istaagnay cadaalad u raadinta ehelka walaalkeen Cabdullahi Dheere oo la xareystay, waxaan madaxweynaha ka codsaneynaa in dadkeena naloo soo daayo.”

Lama shaacin tirada dadka u xiran dowladda ee la sheegay inay yihiin ehelka Taliyihii hoggaanka dabagalka ee hey’adda NISA Cabdullahi Dheere oo hadda dalka ka maqan.

Hoos ka daawo