Biden oo safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Richard H. Riley, IV u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Aqalka Cad. 

Riley ayaa waxaa uu beddelayaa Larry André Jr. oo xilkan hayey ku dhowaad laba sano. Larry André Jr ayaa waxaa lasoo magacaabay 16-kii April 2021, isaga oo beddelay Donald Yamamoto. 

Richard Riley waa diblomaasi muddo kasoo shaqeynayey wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka. Waxa uu hadda hayaa xilka la-taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safaaradda Mareykanka ee magaalada Ottawa ee dalka Canada. 

Riley wuxuu horey usoo noqday qunsulka guud ee qunsuliyadda Mareykanka ee magaalada Peshawar ee dalka Pakistan. Wuxuu sidoo kale xilal hoggaan kasoo qabtay, iyo safiir ku-xigeen safaaradda Mareykanka ee Oslo, Noway.

Sida lagu sheegay bayaanka Aqalka Cad, Riley wuxuu sidoo kale xilal kaaliye kasoo qabtay safaaradaha Mareykanka ee Kabul, Afghanistan, Qaahira, Masar, Sanca, Yemen, London, England, Moscow, Russia, Beijing iyo Chengdu, China, iyo Kingston, Jamaica.  

Kahor inta aanu xilka la wareegin, Riley wuxuu u baahan yahay inuu helo codka xaqiijinta Aqalka Senate-ka Mareykanka, taasi oo qaadan karta dhowr bilood.  

Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyey ahmiyad gaar ah siinayey Soomaaliya, ayada oo 2-dii October 2019 dib loo furay safaaradda Muqdisho oo xirneyd ku dhowaad 30 sano. 

Mareykanka ayaa tababara islamarkaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay.